Socialize

Ardul Saafiliin Q-1



Ardul Saafiliin
Qoraa: Axmed Khaalid Mustafe

Dhamaan dadka iyo sheekooyinka ku xusan buugan waa kuwa xaqiiq ah, sidoo kale dhamaan xaqiiqooyinka cilmiga ah waa kuwo laga soo dheegtay cilmiga horumaray dhamaan wixii la xidhiidha diinta waxa lagala soo baxay Kitaabka iyo sunnada Nabiga (S.C.W).

CHAPTER 1:

Is xoree..
Wax kasta iska xoree intaanad aniga ii iman..
Ruuxdaada waa inaad ka siibtaa dhamaan dharka ay sidato..
Naftan wixii culays ah waa inay iska dhigta..
warwarkaaga iyo mashaakilka ku haysta waxaad ku ridaa salada Xashiishka (Qashinka)..
Anigu Ruuxdaada kaliya ayaan Rabaa..
Ruux xor ah oo saafi ah ban doonayaa.. wax kasta oo ku mashquulinaya meel iska dhig..
Dhamaan silsiladaha aad maskaxdaada ku xidhay waa inaad jabisaa..
Ruux xor ah baan doonayaa..
Hadii aad igu caajisto buugga isku laab oo dhakhso meesha uga bax.. adigay kula jirtaa inaad buugaag kale akhrisanayso iyo inkale..
Anigu inaan ruuxdada la hadlo ayaan doonayaa..
Hadalkan aan sheegayo maaha mid aan anigu kula hadlayo aad adna i dhagaysaneyso balse waa mid nooc kale ah..
Gacanta ayaan ku qabanayaa wax kastana indhahaaga ayaad ku arki doontaa..
Waxaan ku gayn doonaa caalam kale oo saamayn kugu reebi doono..
Buuggan markaad dhamaysato labba mid bay noqonaysaa..
inaad buuggan aad dabka ku rido adiga oo cadhaysan..
ama inaad caalamkan aad xaqiiqadiisa aragto..
Xaqiiqo aad u xun markastana waxaad isku deyi doontaa inaad wax bedesho..
waxaad dareemi doontaa inaad Xabsi ku jirto..
Diyaar ma tahay inaan ku kaxeeyo..
Waxaan ku geynayaa dhul Saafiliintu ( REER HOOSAAD) ay ka taliyaan, aynadegenyihiin..
Dhul ku yaala cagahaaga hoostoda..dhul aad markasta tagi kartid..
Dhul wax kasta ay banaan yihiin..
Kufsigu banaan yahay..
Mukhadaraatka (Daroogada), Dilka, Tuugada, Galmada caruurta iyo xayawaanka, Dhilaysiga, Afduubka, cunida hilibka bani aadamka, iyo waxyaabo ka daran wax kasta waa ay banaan yihiin..
Caalamkani maaha mid khayaali ah balse waa mid xaqiiq ah oo jira..
Waxaan ku bari doonaa sidaad ku gali kartid iyo sidaad kaga soo bixi kartidba..
waa adiga iyo damiirkaaga ama inaad kamid noqoto saafiliinta ama inaad noqoto qof wax badan og aragti cusubna aad yeelato..
Waxba yaanan hadal kugu daalin, indhahaaga ayaan ka arkaa inaad rabto inaad i raacdo..
Gacantaada i dhiib.. i dhiib ruuxdan ku jirta jidhkaaga..
Kaalay... ruuxda akhrinaysa kalmadahan..
soo gal ama wiil ahow ama gabadh Nin ahow ama haweenay soo gal...
Furaha caalamkan waxa uu ku jiraa Jeebkaaga ama waxa uu saaran yahay miiskaaga balse ma ogid..
Caalamkan waxaa loo yaqaanaa "Deep Web"
waa shabakada internetka hoose..
Waa caalam aanad hore u arag..
Internetka aad taqaan 5%
Deep webkuna waa 95%
Waxaad la yaabantahay hadalkan aan ku leeyahay balse sidaan hore kuugu sheegay wax kasta indhahaaga ayaad ku arki doontaa..
Tuug Cabsanayaa maanta mukhadaraat kaa iibin maayo balse waxa lagu kala iibsadaa shabakadan (DEEP WEB)..
Internetkan waxa uu leeyahay lacag u khaas ah oo la yidhaahdo "Bitcoin"..
Waxa sidoo kale leeyahay Browser u gaar ah.
sida internetka caadiga ah ma adeegsado (.com ama .net) balse wuxuu leeyahay domain u gaar ah..
Maxaa isku xidhay ruuxda iyo Shabakadan?..anigu ma doonayo inaan dambiile kaa dhigo.. ma rabo kaliya inaad aragto balse waxan doonayaa inaad soo barato qaabka ay u noolyihiin dadka shabakadan ku jira..
Ruuxda marka aad tahay waxaa tahay sida maska oo kale cidna kuma qaban karto meel kastana waad tagi kartaa..
Ruuxda marka aad tahay waxaad la hadli kartaa dhirta, Xayawaanka iyo waxyaabo kale oo badan..
Wax xuduud ah oo ku xidhaya ma jiraan..
Ma aragtaa Albaabkaa...
markaan aniga iyo adigu ka galno waxaynu noqonaynaa ruux..wax kasta oo kaa qarsoonaa waad arki doontaa..
Gacantaada albaabka saar iskuna day inaad ila riixdo si uu ufurmo..

Markii albaabku furmay dhakso ayaanu u galnay..
hawada ayaan maraynaa sidii qof diyaarad kasoo dhacay oo kale.. waxaan arkaa buuro aad u dhaadheer dhankasta waxaa inaga xigta keyn waxaan sidoo kale arkaa magaalo aad u weyn oo dhinacba kan kale ka duwan yahay..
dhinac dagaal ayaa ka socda, dhinac farxad iyo reyn reyn, dhinac waa mugdi oo shayaadiin baa degan, dhinacna murugo ayuu ku jiraa waa magaalo la yaab leh..
ha ilaawin ruux inaynu nahay oo aynu duuli karno markaa haka cabsan inay wax ku soo gaadhaan..
dadbaa qoslaya halka kuwo kale ilmaynayaan (ooyayaan), dad ayaa isleynaya halka kuwo kale wada murmayaan, kuwo ayaa diyaarado saaran halka kuwo kale laashash saaran yihiin, kuwo ayaa dad u sujuudaya kuwo ayaa dad u ciyaaraya ( u jaasaya) caruur baa indho murugo ka muuqato inagu soo eegay halka dumar qaaqaawani ay gacmaha inoo taagayaan..
Hawada ayaynu istaagnay waxaan kuu tilmaamay guri Qaabka Goobada u samaysan waxaan kuu sheegay in gurigaasi yahay wujhadeena ( Bar-tilmaameed) koowaad..

La soco qaybaha dambe

Post a Comment

0 Comments