Socialize

Sidee Internetka lacag uga samayn kartaa


Sidee baad lacag uga samayn kartaa Internetka?
Waa suaal ay badiyaa is waydiiyaan dhalinyaradena soomaaliyeed iyagoo raadinaya fursado shaqo oo ay ku kobciyaan noloshooda.
Hadaba intaan suaashaa lays waydii waxaa ka horaysa:
Internetka lacag ma laga samayn karaa?
-Haa waa laga samayn karaa, waliba waxa jira dad bishii ka sameeya kumanaan dollar.

Hadaba waxa jiro Fikrado khaldan oo ay badi dhalinyarada soomaaliyeed ka aaminsan tahay lacag ka sameynta internetka, oo ah in si fudud oo aan tacab lahayn aad ku samayn kartid boqolaal dollar.
Hadaba waa inaad ogataa in lacag ka samaynta internetku ay u baahantahay samir badan oo ay la mid tahay shaqooyinka kale ee caadiga ah.
Hadaba fursadaha Shaqo ee banaan ee aad lacag kaga samayn kartid internetka waxaa ka mid ah:

1-Suug Ganacsi Online ah

Hadii aad samayn kartid website lagu kala iibsado badeecadaha kala duwan, waxaa hubaal ah inaad lacag badan ka Faaidaysid.

2-Channel Youtube

Ma ogtahay inay jiraan dad bishii malaayiin dollar ka faaida youtubka.
Only waa inaad channel youtube samaysataa, aadna heshaa shacab daawada Videoska aad soo galiso channelka.

3-PTC 

Ma ogtahay inay jiraan websites lacag kugu siinayo add ama xayaysiis kasta aad ku dhufato iyagoo oo kuu qabanaya mudo 5-30 seconds ah, xayaysiis kastana uu leeyahay qiime cayiman.
Hadii aad danaynayso websites kaa fadlan linkigan hoose taabo



4-Website Earning

Shirkadaha Ay kamid tahay Google ayaa waxay Bixiyaan Website bilaash ah oo soo galin kartid dhamaan waxa aad jeceshahay, waliba aad lacag ka faaidaysid dadka soo booqda iyo hadba xayaysiisyada aad soo galisid


5-Facebook Page Earning

Sidaynu la socono facebook waa shirkada ugu badan ay bulshada soomaaliyeed isticmaalaan adeegyadeeda, hadaba mala socotaa inaad lacag ka samayn kartid page-kaaga adigoo kaga faaidaysanaya xayaysiisyo aad soo dhigto.


Post a Comment

0 Comments