Socialize

Ma ogtahay inaad cayayaanka Cunto?

Cayayaankan waxa laga helaa geedaha Tiinka


Waxaa laga yaabaa in aad ka yaqyaqsootid marka aad maqashi dad cuna cayayaanka, balse xaqiiqda ayaa waxa ay tahay in aad cuntay cayayaanka marar badan adiga oo aanan ka war haynin.
Tani waxaa ugu wacan in maadada cuntada lagu midabeeyo ee carmine loo yaqaano laga sameeyo nooc ka mid ah cayayaanka oo la riiqay.
Carmine waxaa lagu daraa cuntooyin aad u badan jalaatada, yoghurts-ka oo caanaha laga sameeyo, iyo waliba cabitaanka fudud.
Cayayaankan waxaa laga helaa geedaha tiinka ee ka baxa Latin Amerika.
Waxaa sidoo kale maadadan aad loogu daraa waxyaabaha la'isku qurxiyo sida kareemooyinka oo kale.

Cayayaanka Inta la qalajiyo ayaa la ridqaa

Dadka taageera qaabkan ayaa sheegaya in uu yahay wax aad u caafimaad badan, kana wanaagsan walxaha midabeynta ee la bac rimiyay.
Balse dhibka jira ayaa ah in aanan dusha weelka lagu qorin maadadan carmine in ay ka midtahay waxyaabaha ay ka koobantahay cuntada. Waxaase lagu yaabaa in lagu dul qoro ereyada ay ka mid yihiin 'natural red four' ama 'crimson lake' ama xarfaha E120 taas oo ah astaanta Yurub looga yaqaano maadada carmine
Amy Butler Greenfield oo buug ka qortay maadada carmine ayaa sheegtay in ay jiraan dad xasaasiyad ka qaba marka ay cunaan maadadan cunto lagu daray.
Dalka Peru ayaa ugu badan dalalka soo saara maadada carmine, waxayna soo saaraan 95% wax soo saarka adduunka oo dhan.
Waxaa ka shaqeeya illaa 32,600 oo beeralay dalkaas ah, kuwaas oo shaqooyin wanaagsan heley.
Sanadkii 2013-kii, Peru waxa ay dhoofisay 531 tan oo carmine ah, waxaana kasoo gashay lacag dhan $22 milyan oo doolar.
Illaa 70,000 oo noole cayayaanka ah ayaa laga soo saari karaa 500g oo midabeeyahan ah.

Xitaa waxa lagu daraa rooseetada

 Balse waxaa hoos u dhacaya dalabka maadadan, kadib markii shirkadaha qaar ay meelmariyeen sharci looga fogaanayo in la waxyeeleeyo xayawaanka, waxaana shirkadahaas ka mid ah tan bunka iyo qaxwaha samaysa ee Maraykanka ee Starbucks.
Cayayaanka badalkiisa waxaa la isticmaali karaa maado midabeyn ah oo laga dhaliyo yaanyada, xiddido dhulka laga qodo iyo miraha qaarkood, gaar ahaan rummaanka.

Post a Comment

0 Comments