Socialize

Sacuudiga oo taageero ciidan waydiistay maraykanka


Xoghayaha Difaaca dawlada Maraykanka Mark esper ayaa maanta si rasmi u sheegay in dawladiisu ay ciidan gaadhaya 3000 oo askari ay u diri boqortooyada Sucuudiga kadib dalab uga yimi Amiirka sucuudiga Mohamed bin Salmaan, kadib weeraradii Aramco.
Mark Esperg ayaa shir jaraa'id oo uu maanta qabtay waxa uu sheegay in mohamed bin salmaan uu ka dalbaday kaalmo si loo sugo amniga mandiqada.
Esper ayaa ka dalbaday dawladaha Europe inay ka qayn qaataan sidii loo soo celin lahaa xasiloonida mandiqada khaliijka gaar ahaan xuduuda Yemen iyo sacuudiga.
Masuulku siduu sheegay waxa Sacuudiga loo diri doonaa tiro 3000 oo askari gaadhaysa iyo laba guuto oo diyaarado ah, iyo waliba Thad systen for defence ama habka difaaca ee thad.

Sidaad la wada socotaan waxa dhawr bari ka hor weerar xoogan lagu soo qaaday wax soo saarka shidaalka dalka sacuudiga, iyadoo la burburiyay goobtii ugu weyneyd ee uu ku tiirsanaa shidaalka sacuudigu ee Aramco.
Weerarkan ayaa waxa masuuliyadiisa sheegtay Xuutiyiinta, balse USA iyo Sacuudiguba waxay dambiga dusha ka saareen Iran.

Isla maanta oo jimce ah waxaa laba gantaal lagu dhuftay markab iiraan leedahay oo shidaal siday, agagaarka xeebaha sacuudiga, wali sacuudigu kamuu hadal dhacdadaas.

Xaalada bariga dhexe ayaa cirka isku sii shareereesa inkastoo ay dawlada Pakistan ay wado nabadayn iyo inay miiska wada hadalka isugu keento sacuudiga iyo Iran.



Post a Comment

0 Comments