Socialize

Full Korean Scholarship



Dawlada Kuuriya ayaa sanad walba waxay bixisaa tiro deeqo waxbarasho ah ee heerka Waxbarasho Jaamacdeed ee degree iyo Higher studies oo ah Master iyo PHD, Si loo xoojiyo is dhexgalka bulshooyinka kala duwan ee caalamka.

Faaidooyinka Minxada

1-Lacagta Waxbarashada,Caafimaadka iyo waliba Maciishada dhamaan waa bilaash
2-Lacag mushahar ah oo loogu talo galay jeeb gashi ahaan
3- lacagta tikidhka diyaarada, markad tagaysid iyo markad soo noqonaysidba
4-Abaal marino la siinayo ardayga haduu uu GP sare uu keeno

Shuruudaha Minxada

*Inaanu Qofka Dalbanaya minxadan aanu wadan dhalasho Kuuriyan ah.
*in Qofka iyo labadiisa waalid ay isku Sinji yihiin ama isku hal wadan kasoo jeedaan.
*in Qofku jismiyan iyo maskaxiyanba caafimaad qabo
*Qofka Dalbanaya heerka Kowaad ee waxbarashada ama Bachelor Degree waa inaanu da' ahaan ka waynaan 25 Sano
*Qofka dalbanaya ama xereesanaya Heerka labaad ee PHD iyo Master waa inaanu ka weynaan 40 Sano
*in Qofka raba Inuu xeraysto Bachelor degree waa inuu dhameeyay Dugsiga Sare.
*inaan Natiijadisu ka hoosayn 80%

Sidee loo Xeraysanayaa

Waxaad u xeraysan kartaa adiga oo lasoo dego documents-ka Scholarshipka oo hoos aan kuu dhigi doono Linkigoda
Taabo Halkan/ Click Here

Post a Comment

0 Comments