Socialize

Waa Kuma Adolf Hitler?





Waa kuma Adolf Hitler?

Adolf hitler (ادولف هتلر) waxa uu ku dhashay magaalada Braunau am Inn ee wadanka Austria-Hungary(maanta loo yaqaano Austria) taariikhdu markay ku beegnayd 20 April 1889.
Aabihii waa "Adolphus Hitler" waxa uu dhalay 6 caruura hitler Adlof hitler wuxuu ahaa kan afraad marka xagga tirada loo eego.
Hooyadii magaceedu waa "Klara Pölzl" waana xaaskii sadeexaad ee aabihii guursado.
Hitler wuxuu haystay diinta kiristanka sababtoo ah labadiisa waalidba waxay ahaayeen Kiristan.
Hitler markii uu 3 jirsaday ayay waxay u guureen Magaalada Passau ee Germany.
Run ahaantii Hitler noloshiisii hore waxay ahayd mid aad u adag sababtoo ah Aabihii inta badan waa uu dili jiray.
Hitler wuxuu ahaa arday ku fiican waxbarashada inkasta oo uu dhacay fasalkiisii 6-aad oo waagaa ahaa fasalka koowaad ee secondory-ga.
Markii la waydiiyay hitler waxaa uu jeclaa inuu noqdo waxa uu ku jawaabay " ma rabin inaan noqdo askari balse waxan jeclaa inan noqdo Artst".
Intaas hadii aynu kusoo dhaafno noloshii yaraanta ee "Adolf Hitler".
Mudadii lagu jiray dagaalkii kowaad ee dunida Hitler waxa uu ku jiray ciidanka Jarmalka ee Aaga Waqooyi ka dagaalamayay, Shaqadiisu waxay ahayd inuu fariimaha ukala qaado ciidamada dagaalka ku jira iyo kuwa dhufaysyada fadhiya waa mid ka mida shaqooyinka ugu halista badan ee dagaalka.
Kadib dagaalka hitler waxa uu yimi magaalada Munich waxa uuna kuu biiray caalamka siyaasada.
Hitler waxa uu ku biiray xisbiga hantiwadaaga shaqaalaha jarmalka ah loona yaqaan Xisbiga Naziga ah.
1923 ayaa ciidamada xisbiga naziga ah oo uu hogaaminayo hitler waxay sameeyeen isku day inqilaab balse waa ay ku fashilmeen, hitlerna waxa lagu tuuray xabsiga waxana lagu xukumay 3 sanno oo jeel ah in kastoo 9 bilood ka bacdi lasoo daayay sababtoo ah dhaqankiisa ayuu hagaajiyay.
March 1933 ayaa hitler waxa uu qabsaday kursiga madaxtinimada ee dalka Germany.
Waa kuma Hitler (Qaybtii 2aad)?

Sidii aynu soo sheegnayba Hitler wuxuu kugu guulaystay inuu noqdo madaxweynaha Dalka Germany.
Hadaba waxyaabaha hitler u fududeeyay inuu noqdo madaxweyne ayaa waxa ugu horeysa nacaybka uu u qabay sinjiga saamiga ah ama dadka yuhuuda ah.
Hadaba hadii aynu dib u eegno waxyaabaha ku kalifay inuu necbaado yuhuuda waxaynu odhan karnaa:
Nacaybka hitler ee yuhuuda waxa la yidhaahdaa buu bilaabmay marki uu joogay magaalada Viena oo ay ku noolaayeen jaaliyad yuhuud ah oo kasoo qaxay dalka Russia, waxa kale oo saamayn ku yeeshay buugaagtii uu qoray Marthin Lother ee magaceedu ahaa "On The Jews And Their Lies", inuu hitler ku saamoobay qoraagan waxaad ka garanaysaa buuga uu qoray hitler ee ku saabsan noloshiisa ayaa waxa uu si weyn ugu amaanay Marthin Lother oo ay wadaageen nacaybka isirka Saamiga ah.
Hitler waxa uu masuuliyada dhibaatooyinka dhaqaale iyo tan bulsho ee ka jirtay dalka germany dhabarka u saaray dadka yuhuuda ah oo uu aaminsana inay aduunkan dib u dhac ku yihiin oo ay waajib tahay in la xasuuqo.
Isla markii uu hitler xukunka qabsadayna waxa uu bilaabay inuu dadkii yuhuuda ahaa uu ka qaado dhalashada dalka germany iyo waliba xuquuqda ay leeyihiin oo ay ka mid tahay:
1.inay codeeyaan
2.inay qabtaan shaqooyinka bulsho
3.inay dhexgalaan dadka jarmalka
4.inaan la guursan lagana guursan
 Waxa la sameeyay xaafado ay yuhuudu leeyihiin oo an cid kale gali karin yuhuudiga kasoo baxana waa la toogan jiray balse markii dambe waxaa la sameeyay camps ama xeryo lagu xasuuqo dadka yuhuuda ah.
Waxa lagu qiyaasaa in 6 million yuhuud ah uu dilay hitler.
Intaas hadii aynu kaga nimaadno yuhuuda waxaynu galaynaa siyaasadii hitler.
Hitler dalka jarmalka gudihiisa waxa uu ka bilaabay is bedelo farabadan oo ay ugu horayso inuu dhisay ciidan xoog badan oo dadka dhalinyarta ah waxa lagu qasbi jiray inay ciidanka ku biiraan.
Inuu hagaajiyay dhaqaalaha dalka jarmalka kadib hoos u dhac ku yimid.
Inuu soo ceshay kalsoonida shacabka jarmalka ah.
Hitler waxa uu bilaabay inuu jabiyo heshiisyadii la gaadhay dagaalkii koowaad ee dunida oo waxa uu ciidan geeyay Rhineland oo ahayd dhul aan ciidan loo ogolayn wuxuu sidoo kale weeraray dalka Czechoslovakia iyo Poland.
Siyaasada Hitler waxa ay ku dhisnayd Gardaro iyo in wax kasta xoog lagu raadsho, hitler waxa uu nacayb dhab ah u qabay dalalka Britain iyo France oo ahaa labada cadow ee dalka jarmalka ee dagaalkii koowaad sababta u ahaa in jarmalku jabo.
Hitler waxa uu ka baxay ururkii qaramada waxa uuna bilaabay inuu awood ciida  isticmaalo taasoo marka dambe sabab u noqon doonta bilowga dagaal weyme labaad oo dawladaha yurub oo dhami ay ku hoobtaan.
Dalalka Britain iyo France oo ahaa labada quwadood ee yurub waxaa cabsi badan gelisay siyaasad gardarada ku dhisan ee uu hitler wado waxayna bilaabeen siyaasada maslaxaada oo wax kasta oo uu hitler dalbado waa ay siin jireen si ay uga hortagaan dagaal labaad oo yurub ka dhaca.
Balse soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "Nimaan Shani Kaa Reebin Sharci Kaama Reebo" waxay isku dayaanba inay dagaal ka hortagaan oo maslaxaad wax ku wadaan ygu dambayntii waxay ka maarmi waayee  inay dagaal la galaan dalka jarmalka oo khatar ku noqday dhamaan yurub.

Hadaba qaabka dagaalku u dhacay iyo waxa sababay iyo sida uu hitler ku dambeeyay waxaynu kaga hadli doonaa qaybta 3aad



Waa Kuma Hitler(Qaybtii 3aad)?

Hitler marki u si buuxda ula wareegay xukunka dalka Germany waxa uu ku talaabsaday horumaro aad u balaadhan oo si weyn looga dareemay dhamaan Yurub iyo daafaha dunidaba.
Waxa uu dhisay ciidan aad u balaadhan oo ay ka cabsadaan dhamaan dawldaha yurub, waxa uu ku dhiiraday inuu dhiso ciidamada Badda oo waqtigaas noqday mid u gaar ah labada dal ee Britian iyo U.S.A, taas waxa sui dheer waxa uu dhisay ciidamada cirka oo cuna qabatayn laga saaray dagaalkii koowaad kadib.
Sidoo kale waxa uu dhisay bulsho Jarmal ah oo isku dhisan.
Intaas hadii aynu kaga nimaadno waxqabadada uu hitler qabtay waxaynu si buuxda uga hadlaynaa Siyaasadii hitler ee sababta u noqotay dagaal weyne labaad.
Hitler waxa uu si gardaro ah u weeraray Dalka Poland oo uu si xoog ah ku qabsaday, kadib dawladaha Yurub waxay iclaamiyeen dagaal.
Dalkii ugu horeeyay ee dagaalka iclaamiya waa Britian iyo France balse Russia may iclaamin ilaa uu Jarmalku weeraray.
Dagaalku wuxuu noqday hal aag ama hal jiho oo ah dhanka waqooyi ama Western Front oo ay iskaga soo horjeedeen ciidamada Germany Vs Britian, France iyo xulufadoodi
Dagaalka guushisii hore waxa lahaa dalka Germany oo si geesinimo leh u qabsaday Magaalada Paris ee caasimada dalka France kadibna waxa uu bilaabay inuu dagaal cirka ah ku qaado magaalada London ee Dalka Britian.
Run ahaantii Qaladka Hitler wuxuu ahaa marki u go'aansaday inuu Dalka Russia oo xaga Barri ka xiga uu weerar ku qaado dagaalna uu iclaamiyo.
Iminka Jarmalku wuxuu ku jiraa laba dhardhaar dhexdooda xaga galbeed waxa ka xiga Britian iyo France xaga Barina Russia.
Iyado oo ay saasi jirto dhamaan xulufadii Jarmalkana laga adkaaday marka laga reebk Japan oo iyana sabab u noqotay in Maraykanku uu soo galo dagaalka.
Hitler riyadiisii ahayd inuu qabsado dhamaan yurub waa ay soo gabo gabowday kadib markii lagaga adkaaday dagaalka.
Dagaalka kadib hitler waxa lasoo daristay xaalad caafimaad xumo iyo niyad jab taaso sabab u noqotay inuu gacantiisa isku dilo.
Hitler wuxuu ku aasan yahay "Führerbunker" ee magaalada Berlin.

Thanks


Post a Comment

0 Comments