Socialize

Taxanaha Ganacsiga (1)



TAXANAHA GANACSIGA IYO GANACSADAHA

Taxane #1: Aragtida (Araga)-Ka warhaynta suuqa (Maqalka)-Hogaanka (Madaxa)…wuu sii socdaa……

Ganacsigu sida caadiga ah waxa uu ka bilowdaa riyo,laakiin riyada ganacsiganu maaha mid habeenkii la riyoodo waxaase’ la riyoodaa maalinta.

Hadaba aragtidu waxa ay ka koobantahay waxyaabo badan, waxanse halkan kusoo koobayaa sadex arimood oo muhiim u ah aragtida ganacsiga:

HAL-ABUURKA FEKRADA GANACSIGA

Ganacsaduhu, hadii aynan aragtidiisu fogeen, ma curin karo fekrad ganacsi oo hanaqaada, sidaa kaaga muuqata sawirka ninka haysta diirada, waxa uu eegayaa waa sumadaha mehradaha ugu aragtida dheer dunidad maanta la joogo, kana fekeray in badeecadoodu/adeegoodu gaadho dhamaan daafaha caalamka. Ganacsaduhu marku uu aragtidiisa ku xidho ganacsiyo kale oo guulaystay unbuu isaguna maskaxda tuujin karaa curin karaana feker ganacsi oo la majiirto.

SUMADA GANACSIGA

Sumadu maxay faa’iido leedahay? Waayadii hore waxaan ahayn xoolo dhaqato, si ay xooluhu baadi u noqon, waxa ka lulan jiray koor, si uusan xoolaha kale ee lala foofiyay ugu dhex qalkamina waa la sunti jiray. Waayo ninka xoolo dhaqatada ah waxa uu aaminsanaa in uu xoolihiisa uga dhaqaale/daranyo dhowr badanyahay xoola dhaqatada kale ee ay isku ardaaga yihiin.
Sidaayoo kale, yuu ninka ganacsaduhun, marka uu sumada mehradiisa galiyo arin iyo aduunba ay u tahay in uu uga ilaashado in ay kaga dhex qaldanto mehradaha kale ee dhigiisa ah.

Tusaale, marka aad sheeda kasoo aragto sumada “Coca Cola” markiiba waxa maskaxdaada kusoo dhaca, dhadhan, hah, iyo midiab ka gaar ah sharaabyada kale. Ka waran hadii ganacsade kale oo anan soo kobcin badeecadiisa inta ay Coca Cola teedu soo kobcisay, uu isaguna isaga dhajisto sumada Coca Cola sharabkiisa. Shaki kuma jiro waxa uu fashilinayaa sumadii Coca Cola ay lahayd. Hadaba sumad samayso ka badalan sumadaha kale, ilaasho sumadaada, waxaad xidhiiidh ka dhaxaysiisaa sumadaada iyo dareenka qofka aad doonayso in uu mehradaada wax ka iibsado.

Tusaale. hadii aad shaahlay tahay samayso sumad meeshi lagu arkaaba, qofkii mar uun shaah kaa cabay uu ka dareemi karo udgoonka xawaashka aad ku dartay shaahaaga. Isla markaa uu arko sumadaada waa in ay maskaxdiisu markiiba u sheegtaa udgaanka xawaashka shaahan qaybta u qaabilsan jidhka kal soorida urta/udgoonka.

XULSHADA WADA LAHAANSHAHA MEHRADA

Aragtida hore ee aad ganacsigaaga ka qaadanayso waa in ay ka mid ahaataa ganacsigan tolow yuu u baahanyahay in ay kula dhiso? Waxa inta badan curyaamiya ganacsigeena, waxa ka mid ah  hal kaliyaalaha, anigu cid kale aamini maayo, anigaa is aaminsan kalideey wadi karana… markuu caynkaa noqdo waxaad wadaayi ganacsi lama oran karo, waxaad tahay uun qof shaqo samaystay. Ganacsadaha aragtida fog leh, waa ganacsadaha, ka fekeraa, anigu waxaan leeyahay xirfad xisaabaad, waxaan ganacsigan ku kordhinkaraa baahida uu u qabo xisaabiye. Sida horay aan usoo sheegnay, mehraduhu wa sida aadamaha, waxayna u baahantahay,  si ay u noolaato mudo dheer, sida aaadamahu ugu baahanyahay dhamaan xubnaha uu ka koobanyahay jidhkiisu.

Markaa hadaan, aniga is ku ekeeyo, oo xirfadayduna xisaabiye uun tahay, mehraduna waydo, dhamaan xirfadihii kale ee kala lahaa, maamule, iibiye, suuq geeye, xeer ilaaliye, shaqaale dhowre iyo  wax soo saare, mehradu waxay noqonaysa mid aan isku dheeli tirneen, kal dhantaalkaana  ugu danbaynta wuu dilaa mehrada oo way dhimataa sida ina aadanba uu u dhinto haduu waayo qaar ka mid ah unugyada jidhkiisa.
Hadaba aragtidaada ku darso in aad hesho saxiibo kula yagleela mehrda aad adigu fekerkeeda keentay, hana ku fiicanaadaan xirfado kala duwan, ha urursanin uun koox aad isku wada xirfad tihiin.

SOO KOOBID

SI AAD FEKERKAAGA GANACSI UGU GUULAYSATO:

Aragti fog yeelo, si aad aragti fog u hesho raadso mehrad ku guulaysatay, muda dheerna ku jirtay badeecada/adeega aad baadi doonka ugu jirto in aad bilowdo.

Samayso sumad soo jiidasho leh in badana aad ka fekertay bilowgaba, sumadaada iyo jacaylka ay u qabaan dadka wax kaa iibsanaya kobci oo koolkooli, kana ilaasho ganacsatada kale.
La bilow fekerkaaga ganacsi marka uu bislaado, saxiibo ku kala duwan xaga aqoonta ganacsi/xirfada/waaya aragnimada, mid walibana waa in uu ku fiicanaadaa unug ka mid ah unugyada aan xusnay ee 11 nidaam ah.

Aragtida ay isku raaceen Ali Omar & Mohamed Jibrill “ Ganacsi in aad bilowdo waxa uu u baahanyahay; 90% fekrada, 1% shaqaale, 1% suuqgayn, 1% maamul, 1% adeeg/badeecad, 1% mehrad, 1% sharciyad, 1% hanti, 1% tignoolajiyad, 1% macmiil, 1% dowlad”

Waxaa laga yaaba in aad is waydiiso su’aal ah qofka anan wali ganacsi bilaabin miyaa la yeedhi karaa ganacsade waa isaga qoraaga taxanahan in badan isticmaalay kalmada ganacsade waliba isaga oo u isticmaalayo qof aan wali ganacsi bilaabin, hadaba qoraagu waxa uu arintan kasoo xigtay aragtida hoosta ku xusan.

Aragtidan waxa qaba Mohamed Jibrill “ Qof waliba oo haya fekrad ganacsi waxa uu ku jiraa marxalada kowaad ee ganacsiga sidaa darteed waa loogu yeedhi karaa ganacsade”

La soco qaybahaa kale……………….

Xigasho: Somali Enterpreneurship

Post a Comment

0 Comments