Waxa
ay labada nin yeesheen kulan wada xaajood ah oo kulankii hore ee la shaaciyey
aan ahayn, laakiin Aqalka Cad ayaan sheegin faahfaafinta wixii ay ka wada
hadleen.
Madaxweyne
Trump ayaa hore ugu tilmaamay warar sheegayey in ay si qarsoodi ah u wada
casheeyeen kuna tilmaamay warkaa "war dacaayad ah".
Labada
hogaamiye xidhiidhkooda ayaa aad isha loogu hayey iyadoo ay soo baxeen eedo ah
in Ruushka iyo kooxdii ololihii doorashada Trump ay gacan saar qarsoodi ah
lahaayeen.
Sirdoonka
Maraykanka ayaa rumaysan in Ruushku Trump ka caawiyey doorashadii madaxtinimada
ee sannadkii hore, taas oo ah arin Ruushku beeniyey Trump na diiday in ay jirto
ba.
Kulanka
labaad wuxu ka dhacay goob casho gaar ah loogu sameeyey madaxda dalalka G20 ee
ka qayb galayey shirmadaxeedkii bishan horaanteedii lagu qabtay magaalada
Hamburg.
Madaxweyne
Trump keligii buu ahaa Putin na waxa la joogay turjubaankiisa oo keliya,
warbaahinta Maraykankuna waxay sheegtay in kulankaasi qaatay saacad.
Waxa
ay sheegi karaan saraakiisha Aqalka Cad ee ah in ay labada hogaamiye ka wada
hadleen waa waxa uu Trump laftiisu u sheego oo kaliya maadaama aanay kulankaa
ka qayb galin kaaliyeyaasha Trump.
0 Comments