Socialize

Maraykanka oo cunoqabatayn cusub ku soo rogay Iran


Maraykanka ayaa ku dhawaaqay cunoqabatayn cusub oo dhinaca dhaqaalaha ah oo uu ku soo rogay Iran, taas oo ka dhalatay barnaamijkeeda gantaalaha ballistic-ga ah waxaanu ku eedeeyey in uu barnaamijkaasi wiiqayo xasiloonida gobolka.
Washington waxay sheegtay in cunoqabatayntani beegsanayso dad iyo shirkado tiradoodu tahay sideed iyo toban oo taageera barnaamijka gantaalaha Iran ama ciidanka awoodda badan ee ilaalada Jamhuuriga Iran.
Wasaaradda arimaha dibadda Iran ayaa ku tilmaantay cunoqabatayn tan mid "dhan keliya ah oo sharci darro ah". Waxaanay ku goodiday in ay tallaabo fal celin u ah qaadi doonto oo ay Iran na Maraykanka cunoqabatayn saari doonto.
Tallaabadan u dambaysay ee Maraykanku qaaday waxa la shaaciyey maalin uun ka dib markii Aqalka Cadi sheegay in Iran ku dhaqmayso qodobada heshiiskii nukliyeerkeeda ee ay la gashay quwadaha caalamiga ah.

Post a Comment

3 Comments