Socialize

Lukaku oo gooshii u horraysay u dhaliyay Manchester United

Romelu Lukaku ayaa gooshii u horraysay u dhaliyay Manchester United iyadoo kooxda uu tababaro Jose Mourinho ay 2-1 kaga adkaatay kooxda Real Salt Lake oo ay ciyaar saaxiibtinimo ku dhex martay Utah.
Ciyaaryahankan 24 jirka ah oo 75 milyan oo gini laga soo siistay kooxda Everton ayaa goosha guusha dhaliyay iyadoo ay toddobo daqiiqo ka dhiman tahay qaybtii koobaad ee ciyaarta, iyadoo goosha koobaadna ee barbarahana uu dhaliyay Henrikh Mkhitaryan.
Intaas ka dibse Juan Mata ayaa ka dhaawacmay kooxda Manchester United halka uu kaarka casna ka qaatay Antonio Valencia.
"Goosha Lukaku isagay u wanaagsan tahay, laakiin aniga muhiim iima aha ayuu yiri," Mourinho.
"Waan u sheegay in aan jeclahay waxa uu sameeyo. Dadka ayuu caawiyaa, dhaqdhaqaaq ayuu sameeyaa, kubaddana si wanaagsan ayuu u haystaa. Waxkaste oo uu sameeyo waan jeclahay." ayuu intaas sii raaciyay Mourinho.

Post a Comment

0 Comments