Suxuunta duusha (Unidentified flying object (UFO)) waxa aaminsan dadka caalamka in kamid ah, waxayna ku doodaan inay arkeen ama ay af-duubteen iwm.
Waxa uu sameesanyahay
qaab sida saxanka ah ama goobada.
Suxuunta duusha waxay
bulshada badankeedu barteen markii jariidadaha maraykanka kasoo baxaa ay qoreen
in saxan duula uu ku soo dhacay gobolka Texas ee maraykanka markii ay
taariikhdu ahayd (8-july-1947).
Maalmo yar ka bacdi waxa
soo batay dad sheegaya inay arkeen ama ay af-duubteen ama dad ay isku dhow
yihiin arkeen.
Hadaba suxuunta duusha
ayaa waxa ay la yaab la noqotay aduunyada iyada oo dadkii arkay ay sheegeen in
ku socdaan xawaara aanay diyaaradaheenu ku socon una dhoweyn.
Hadaba waxaa is weydiin
mudan maxay suxuunta duusha waqtigeenan u soo baxday oo waqtiyadii iyo
qarbiyadii inaka horeeyay ay usoo bixi waayeen?
Sida ay qoreen
jariidadaha maraykanku ayaa waxay ku tilmaameen in suxuunta duusha ay jin
yihiin m jinkuna casri kasta iyo xadaarad kasta heerka ay marayso uu kula
dhaqmo, markaa casrigan aynu ku jirnaa waa casrigii tiknoloojiyada sidaa
daraadeed ayay iminka usoo if baxeen suxuunta duusha.
Dad ayaa aaminsan inay
suxuunta duusha ay tahay propaganda ay sameeyeen munadamada (maasuuniyada) si
ay dadka u mashquuliyaan iyagana hawlahoodu u fududaadaan.
Dad ayaa aaminsan inuu
xidhiidh ka dhaxeeyay suxuunta duusha iyo xadaaradihii hore sida xadaaradii
masaarida oo waxay aamisanyihiin inay suxuuntu ay dhiseen ahraamta (Pyramids)
ay masar caanka ku tahay.
Hadaba si kasta ha
ahaatee waxaan wali la hubin inay suxuunta duushaa ay yihiin xaqiiq ama
propaganda ay dadku is aaminsiiyeen.
Ka dhiibo ra’yigaaga.
0 Comments