Socialize

Arsene Wenger Oo U Dhaqaaqi Doono Karim Benzema Hadii Alexis Sanchez Uu Ka Tago Emirates & Balanta CR7 Oo Caawineysa Gunners.


Tababare Arsene Wenger ayaa lagu so waramayaa inuu isku dayi doona lasoo wareegitanka xidiga reer France ee weerarka kaga ciyaara Real Madrid Karim Benzema hadii weeraryahanka reer Chile Alexis Sanchez uu ku qasbo in la iibiyo.
Gunners ma ciyaareyso Champions League markii ugu horeysay tan iyo waayaha macalinka reer France taasna waxey keeni kartaa in xidigii hore Barcelon Alexis Sanchez uu isaga guuro garoonka Emirates Stadium madama riyadiisa ay tahay inuu koobkas hanto.
Si kastaba culeysyo badan ayaa soo wajahaya Arsenal madama xidigaan kaliya 12-bilood ay kaga hartay qandaraaskiisa waxaana si daran loola xiriirinayaa Paris Saint Germain & Manchester City oo doonaya iney adeegiisa ka faa’ideystaan.
Arsene Wenger wuxuu shalay qiray in go’aankooda ku aadan mustaqbalka Sanchez uu yahay inuu xagaaga dambe sii joogo, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu damacsan yahay u dhaqaaqida Karim Benzema.
Arsene Wenger muddo badan ayuu daba joogay weeraryahankii hore Lyon Karim Benzema, balse markaan si weyn ayuu diirada u saari doonaa si uu ugu lamaaniyo Lacazette.
Sidoo kale Arsenal waxey heli kartaa fursad ay xidigaas ku hesho madama Cristiano Ronaldo uu dalbaday in laga ciyaarsiiyo booska dhexe ee weerarka.
Zidane ballan adag ayuu ka qaaday CR7 sida warbixinta lagu qoray taasna waxey fududeyn kartaa in Benzema uu yimaado London.

Post a Comment

1 Comments