Socialize

Maxey Maamulka Barcelona Ka Yiraahdeen Wararka Sheegaya In Neymar Junior Uu Ogolaaday Ku Biiritaanka Paris Saint Geramin?

Barcelona ayaa si kalsooni leh uga hadashay arimaha la isla dhexmarayo ee tibaaxaya in xidigooda Neymar Jr uu ogolaaday inuu ku biiro Paris Saint Germain sida uu ka dhawaajiyay madaxweyne ku xigeenka Barcelona Jordi Mestre.
Ciyaariyahanka heerka caalami ayaa si ba’an loola xiriirinayaa inuu lacago rikoor ah ugu wareegayo Paris Saint Germain taasoo diyaar u ah iney bixiso aduun dhan 222 Malyan oo Euro oo ah lacagaha lagu jabin karo heshiiskiisa.
Madaxweyne ku xigeenka Barcelon Jordi Mestre ayaa xaqiijiyay in wararka xanta ah ee la isla dhexmarayo ay yahiin kuwa been abuur ah isla markaana wuxuu hubiyay in Neymar uu joogayo Camp Nou.
Waxaan 200% hubaa inuu joogayo” ayuu yiri JOrdi Mestre.
“Waan akhriyay warbixinada warbaahinta faransiiska taasoo ay PSG xitaa inkirtay, waxaana ilalineynaa gabi ahaanba xiriirka caadiga ah ee naga dhaxeeya”
“Wax iska badalay ma lahan dhinacaas”
Dhanka kale Jordi Mestre oo ka hadlayay soo bandhigista gudoomiyaha cusub ee dhanka kubadda cagta Barcelona wuxuuna yiri:
“Dhamaan ciyaartoyda kooxda maahan kuwa la iibsan karo, ma jiro qof doonaya inuu ka tago Camp Nou marka laga reebo in qof walba uu doonayo inuu yimaado”

Post a Comment

2 Comments