Socialize

Bangiga Adduunka oo shardi ku xirey kordhinta kabidda mushaharka shaqaalaha rayidka, Soomaaliya


Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cabdullahi Sheikh Cali Qalocow ayaa shir la yeeshay wafti uu hogaaminayo wakiilka Soomaaliya ee u qaabilsan Bangiga Aduunka, waxayna ka wada hadleen dar dargalinta howlaha shaqo uu Bangiga Adduunku ka hayo Soomaaliya.
Shirkaan oo daba socday shirar hore ayaa lagu falanqeeyey kordhinta lacagta ay ku kabaan mushaaraadka shaqaalaha oo ahayd $ 700,000 bihsii, ayaa hada Bangiga Aduunku go’aamiyey in laga dhigo $ 1,700,000 oo dollar bishii, laga bilaabo bishaan aan ku guda jirno.
Kabidda mushaharka shaqaalaha rayidka ah ayaa waxaa ku xiran fulinta shuruudo ay isla qaateen Bangiga Aduunka iyo Dowladda Soomaaliya taas oo ah in lagu socdo nidaamkii Hagaajinta Maamulka iyo Maaliyadda (PFM) oo soo bilowday sanadkii 2013-kii, waxaana bil kasta si wada jir ah laysula eegayaa waxa ka qabsoomay shuruudahaas, oo haddii la fulin waayo ay dhici karto in ay hakato.

Bangiga Aduunka ayaa ka wada mashaariic kala duwan dalka kuwaas oo badankooda hoos yimaadaan wasaaradda maaliyada, mashariicda ayaa isugu jirta dib u habaynta shaqaalaha dowladda, dayactir iyo dhisida xarumaha dowaladda, kabida mushaaraadka oo ay ka fa’iidysanayaan maamul goboleedyada, iyo kor u qaadida tayada Hay’adaha dakhliga ee Dowladda iyo kuwo kale oo badan.

Post a Comment

0 Comments