Socialize

WAA KUMA TATAARKU

Waa kuma tataarku?

Tataarku waa kalmad ay carabtu u bixsheen qabaa'ishii mangoliyaanka ahaa ee waqtigaa dhulka islaamka badankiisa oo dhan qabsatay hadab boqortooyadan waxa boqor ka ahaa nin lagu magacaabi jirey "jinkiis khaan".

Boqortooyadii Tataarka/mangooliya 

hadaba marka laga hadlayo tataarka waxa lagu timaamaa boqortooyadii ugu balaadhneyd taariikhda oo waxa ay kasoo bilaabmi jirtey china ilaa wabiga daanuub ee yurub.
Hogaamiyaha ciidan ee tataarka waxaa lagu magacaabi jirey "Hulako".

jabkii tataarka iyo dagaalkii caynu jaaluut


Tataarka waxaa lagu jabiyey dagaalcii caynu jaaluut dagaalkani wuxuu dhacay (25 Ramadan 658h/3 september 1260) waxa dagaalkan dhinaca muslimiinta ka socday dawladii mamaaliikta ee masar ka jirtay waxaana hogaaminayey "Sayfu diin qudus" ciidanka tataarkana waxaa hogaaminayey "Hulako".
dagaalku wuxuu ka dhacay meel "caynu jaaluut" la dhaho oo xaga waqooyi ka xiga magaalada "naablas" ee falastiin.
markii labadda ciidan kulmeen dagaal adagina dhex maray illaahey mahadii waxaa ku adkaadey ciidankii muslimiinta halkaas oo lagaga adkaadey ciidankii tataarka ee adduunka oo dhan ka soo adkaadey.

Post a Comment

0 Comments