Socialize

Waa Kuma Osama Bin Laden: Halgamaa Muslim ah mise Sirdoon Maraykan ah?

 




Sirdoonkii hore ee CIA Edward Snowden ayaa waxa uu daaha qaaday inuu gacanta ku hayo waraaqo iyo dikumentiyo cadaynaya in Usama Bin laden iyo Sirdoonka maraykanku ay xidhiidh lahaayeen, sidoo kale wuxuu sheegay in Usama Bin Laden uu noolyahay uuna joogo jasiiradaha Bahamas ee dalka maraykanka, halkaas oo ay dawlada maraykanku ku ilaaliso uuna ku jiro nolol ta ugu saraysa.

Mudane Snowden oo haatan ku sugan Mosco ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay inuu gacanta ku hayay waraaqo cadayn ah lacago ay dawlada maraykanku u dirtay xarakada Alqaeda xiligii uu Bin Laden hogaamiyaha ka ahaa.

Mudane Snowden isagoo waraysi siinaya jasiirada Moscow tribune ayaa waa siduu hadalka u dhigaye wuxuu yidhi: Usaama Bin laden ma noola kaliya laakiin wuxuu ku jiraa nolol aad u saraysa isagoo waqtigiisa ku qaadanaya jasiiradaha Bahamas kadib sanooyin badan oo uu lasoo shaqeeyay sirdoonka Dalka Maraykanka ee CIA.

Edward ayaa waxa uu daaha ka qaaday in Usaama Bin Laden uu bil walba qaadan jiray lacag gaaraysa Boqol Kun oo Dollarka maraykanka ah.

Isagoo hadalka sii wata ayaa wuxuu sheegay in dilkii Usama Bin Laden uu ahaa musalsal ay qorshaysay hay’ada sirdoonka maraykanu sidoo kale uu isaga laftarkiisu uu ka qayb qaatay sidii qorshahaasi u hirgali lahaa.

Waxa xusid musan in Mudane Edward Snowden uu yahay sirdoon lasoo shaqeeyay CIA iyo waliba FBI ka hor intaanu ka fakan dalka maraykanka uuna u baxsan dalka Russia oo uu hadeer ku noolyahay.

 

Maxay kula tahay adiga?

Ma runbaa in Usama Bin Laden uu yahay Sirdoon la shaqeeya CIA?

Please like, share & Comment




Post a Comment

0 Comments