Socialize

Fursad Waxbarasho Bilaash ah Dalka Maraykanka



Jaamacada Simons ee dalka Maraykanka ayaa waxay ku shaacisay inay bixinayso fursado waxbarasho bilaash ah oo loogu tala galay ardayda aan awoodin inay bixiyaan qarashaadka waxbarashada.

jaamacada Simons waxay ku taalaa bartamaha magaalada Boston ee dalka Maraykanka, jaamacada waxa la asaasay 1899 iyadoo xiligaa ahayd kuliyad dumarka loogu talo galay.

jaamacadu waxay bixisaa 60 takhasus ama Faculty waxana dhigta 1777 arday Bachelor ah iyo 4858 ah waxbarashada sare ama High studies (Master & PHD program).


Shuruudaha Minxada:

  • Waa in ardayga codsanaya minxadan uu haystaa Shahaado dugsi sare
  • Waa in ardayga codsanaya uu haystaa ashahaadada Luqada 
  • waa in ardaygu uu galay imtixaanka SAT
  • Waa in ardaygu uu kasoo jeedaa mid ka mid ah dalalkan: Saudi Arabia, Jordan, Sudan, Somalia iyo dalalka kale ee Jaamacada Carabta.

Fursadaha ay Minxadani Bixinayso:

  1. Dhamaan qarashaadka waxbarashada, Cuntada iyo waliba degenaanshaha jaamacada ayaa qabta
  2. Goobta Minxada oo ah Maraykanka
  3. Minxadu Rag iyo Dumarba waxay u tartami karaan
  4. Lacag sanadle ah oo gaaraysa 3000$.

Sidee u xeraysan kartaa Minxadan

si aad u xeraysato Minxadan waa in aad dhamaan waraaqaha aad u dirtaa Emailkan ugadm@simmons.edu  adigoo ciwaankana ka dhigaya "Kotzen Application" sidoo waxa kale waxa qasab ah inaad magacaaga oo sadexan aad sheegtid iyo taariikhda dhalashada.

sidoo kale waa inaad laba suaalood aad ka jawaabtaa oo aad waraaqaha aad diraysid ku dartaa.

  1. Waa inaanay ka badan 250 kalmadood: Sidee baad uga faaidaynsan lacagta sanadlaha ee ah 3000$ ?
  2. Waa inaanay ka badan 500 kalmadood: Dadka qaar ayaa ku dooda in Hogaamintu ay tahay hibo lagu dhasho balse aanay ahayn aqoon uu qofku baran karo, halka qaar kale ay aaminsanyihiin in la baran karo hogaaminta, waxaad soo qortaa Maqaal aad kaga hadlayso iyo aragtida aad adigu ka aaminsantahay doodan?

Mudada ay fursadi banaantahay

minxadu waxay xidhmaysaa: 1 December 2020

Wixii faahfaahin dheeraad ah Linkigan taabo: HALKAN TAABO

Hadii aad wax suaal ah qabtid emailkan la xidhiidh: sfs@simmons.edu.
ama lambarkan garaac: (617) 521-2000 




Post a Comment

0 Comments