Socialize

Caadooyinka Guurka ee La yaabka Leh

 

Caadooyinka Guurka ee  La yaabka Leh

 

Bulshooyinka aduunka ku nool way kala duwan yihiin diin ahaan, midab ahaan iyo waliba luqad ahaan sidaas si la mid ah waxay leeyihiin dhaqamo iyo caadooyin ay ku kala duwan yihiin.

Dhaqama ugu la yaabka badan waa guurka, oo bulsho walba waxay leedahay caado u gaar ah xilliyada guurka.

Waxaan halkan kugu soo gudbinayaa shan ka mid ah caadooyinka ama dhaqamada ugu la yaabka badan ee xilliga guurka ee bulshooyinka aduunku leeyihiin:

 

1. Xashiish qub

Dadyowga ku nool Scotland ayaa leh dhaqan la yaab ah oo ah inay caruuska iyo caruusada ay xashiish ku qubaan iyagoo aaminsan in ay u yeeli doonto Samir ay kaga gudbaan waayaha adage e nolosha.

 

2.Dhoola-cadayntu waa mamnuuc

Badanaa, xafladaha arooska iyo farxadu way isku lamaanyihiin, balse dalka kongo looma ogola caruuska iyo caruusada inay dhoolo cadeeyaan.

Sabab…sababtoo ah hadii ay dhoolo cadeeyaan micnaheedu waa iskuma kalsoona sidaa mana fiicna inaad aaminto dadka qosolka badan…

 

 

 

3.Ilmada caruusada

Dadyowga ku dhaqan tuulada Tojiya ee dalka china waxay caado u leeyihiin in caruusadu ilmayso maalin walba hal saac mudo bil ah xaflada arooska ka hor.

 

4.Guurso Geedka

Hindiya dalka la yaabka badan, bulshooyinkiisa qayb ka mid ah waxaa caado ah u ah in gabdhaha qayb ka mid ah ku dhacday lacnad ama il, sidaa darted gabadha marka hore geed baa loo guuriyaa si lacnada loo jabiyo, kadib geedka ayaa la jaraa sidaas baa arooska loogu gudbaa.

 

5.Garaacista lugaha

 

Kuuriyada koonfureed waxaa u dhaqan ah ah on caruuska habeen arooska ka horeysa inta lasoo qabto, baa lugaha laga tumayaa iyadoo lagu garaacayo kaluun ama ulo, si loo ogaado inuu ad adagyahay.

 


 

Post a Comment

0 Comments