Socialize

Ruushka iyo Mareykanka oo ka wada hadlay xarummo Ruushku lahaa oo xiran





Saraakiil sarsare oo Ruushka iyo Mareykanka ka kala socda ayaa waxaa wada hadallo diblomaasiyadeed ay ku yeesheen magaalada Washington, iyagoo ka wada hadlay muranka ka taagan labo xarun oo Ruushku lahaa kuwaas oo uu xiray maamulkii Obama.
Xukuumadda Moscow ayaa sheegtay in ay jawaab ka bixin doonto haddii uusan Mareykanka hantidaasi u fasixin Ruushka.
Kulankan ayaa soconayay ku dhawaad saddex saacadood, ka dib markii waxyar kadib ku xigeenka wasiirka arrimaha dibada ee Rushka uu isaga oo qaylinaya saxafiyiinta u sheegay in labda dhinac ay gebi ahaanba xaliyeen khilaafkooda, hase ahaate ma faahfaahinin, Aqalka Cadna wax war ah kama soo saarin arrintan.
Aqalka looga arimiyo Rushka Kremlin ayaa sheegay in xarumahan ay ahmiyad weyn u leedahay Ruushka, waxaa ayna dhawaan bilaabeen in ay soo jeediyaan in tani keeni karto in la eryo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Mareykanka, haddii Mareykanku uusan fasaxin hantidaasi.
Moscow ayaa rajeyneysay in maamulka Trump uu kasoo horjeedsado talaabooyinkii uu horey u qaaday maamulkii Obama.
Balse arrintan ayaa aahaan doonto mid muran badan dhalisa marka la eego baaritaanada socda ee la xiiriira eedeymaha ah inRushku faragaliay doorashadii Ruushka.

Post a Comment

0 Comments