Socialize

10ka dil ee uu ugu yaabka badan ee uu fuliyay Kim Jong Un



Badanaa waxaynu maqalnaa go’aanada yaabka badan ee kasoo baxay saciimka K/Waqooyi “Kim Jong Un” hadaba manta waxaynu ka hadlaynaa 10-ka dil ee ugu yaabka badan ee uu fuliyay saciimkan kaligii taliyaha ahi.

1.Dilkii uu dilay ninkii eedadii qabay, hadaba waxa yaab leh qaabka arxan-darada ah ee uu udilay, waxaa uu sameeyay inta uu qaawiyay ayuu waxa uu dhex geeyay 120 ey oo la gaajeysiiyay, dilkani waxa uu soconayay saacad dhan waxaana daawanayay isaga iyo 300 oo jeneraalo iyo wasiiro iskugu jira.

2.Waxa uu dilay wasiirkii gaashaandiga “Hiyuun Yuun Tishuul” sababta oo ah waxa uu lulooday waqti uu soconayay bandhig ciidameed. Xukunka waxa lagu fuliyay iyada oo la isticmaalay (Madfac lidka diyaaradaha ah) meel iskuul ciidameed ah oo ay daawanayeen boqolaal shacab iyo madax ah.

3.Waxa uu dilay wasiirkii amniga wuxuuna isticmaalay (qoryaha dabka sii daaya) sababta oo ah wuxuu xidhiidh dhow la lahaa ninkii eedadii qabay ee uu hore u dilay
.
4.Waxa uu dilay adeerkii sababtoo ah waanu u sacabtumin markii loo doortay madaxweynimada dalka.

5.Waxa kale oo uu dilay xaaskii adeerkii sabatoo ah waxaa qabay adeerkiisii uu dilay, wuuna sumeeyay.

6.Waxa uu dilay fanaanad ay saaxiibo ahaayeen oo lagu magacaabi jiray “Hiyiin sung wul” sababta oo ah waxaa lagu eedeeyay inay nin kale la seexatay.

7.waxa uu dilay 15 ka mida madaxda sare sanadkii 2015 sababta oo ah waxaanuu ka soo bixin shaqadii dhi beerista ee uu u diray.

8.waxa uu dilay nin ka masuul ah garoomada kubada sababta oo ah kursi jaban ayuu ku arkay garoon garoonada ka mid ah.

9.waxa uu dilay engineerkii asaasay garoonka diyaaradaha sababta oo ah waxaanuu ka helin sida loo dhisay.


10.waxa la sheegaa inta qof ee uu dilay Kim Jong Un ilaa maalintuu xukunka qabsaday ilaa manta inay yihiin 70 ruux oo isku jira caa’iladiisa, madax iyo waliba shacab.

Post a Comment

0 Comments