Socialize

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay "Jabsashada Wakaaladda Wararka Qatar"


Saraakiil ka tirsan sirdoonka dalkan Mareykanka ayaa sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay ay abaabushay jabsashaddii loogu dusay bogga internetka ee wakaaladda wararka ee Qatar.
Wakaaladda ayaa waxaa kadib lagu qoray qoraal loo nisbeeyey amiirka Qatar oo qiil looga dhigtay in dalal ay Sacuudiga iyo Imaaraadka hor kacayaan ay xiriirka u jaraan dowladda Qatar bilowgii bishii la soo dhaafay.
Sheekada saraakiishan sirdoonka oo magacooda la qariyay ayaa lagu daabacay wargeyska the Washington Post ee ka soo baxa dalkan Mareykanka.
Wariyeheenna Jacfar Kukaay ayaa arrintan ka wareystay Xassan Xundubeey Jimcaaale oo ka faalooda arrimaha Carabta.

Post a Comment

0 Comments