Bermuda Triangle, oo sidoo kale loo yaqaan Saddex-geeska Shaydaanka, waa aag ku yaala
Badweynta Atlantic, Aaggani wuxuu ku teedsan yahay Miami, Bermuda,
iyo Puerto Rico, waxaana lagu
tilmaamaa in uu yahay goob ay ka dhacaan dhacdooyin aan caadi ahayn, oo ay ka
mid in ku lumaan amaba la waayaba
diyaarado, doonyo, iyo dadba. Xaqiiqdii, waxa jira dhacdooyin badan oo cajiib
ah oo ay dadku la yaabeen tan iyo waqtigii ugu horreeyay ee la ogaaday aaggani.
Dhacdooyinkaas ayaa taasi keentay in aaggaasi noqdo mid caan ah, isla
markaana lagu tilmaamo mid "khatar ah."
Dhacdooyinka La Xiriira Bermuda Triangle
1.
Flight 19 (1945)
Mid ka mid ah dhacdooyinka ugu caansan ee Bermuda Triangle waa Flight 19, oo ah koox diyaarado ah oo ka
socda ciidamada badda ee Maraykanka. Shanta diyaaradood ayaa ku lumay ama lagu
waayay aaggaas intii lagu jiray tababar. Xitaa kadib markii la raadiyey muddo
dheer, weli lama helin wax raad ah oo tilmaamaya meesha ay ku dambeyeen ama
sababta loo waayey.
2.
USS Cyclops (1918)
Mid kale oo ka mid ah dhacdooyinka aan la sharxaynin waa USS Cyclops, markab weyn oo si lama
filaan ah ugu baaba'ay Badweynta Atlantic, isaga iyo 309 qof oo markabka
saarnaa. Waxa uu ahaa markab weyn oo ciidamadu leeyihiin, lama garanayo meel uu
ku dambeeyay markabkaasi iyo dadkii saarnaa ilaa manta.
3.
Star Tiger iyo
Star Ariel (1950s)
diyaaradaha Star Tiger iyo Star Ariel, oo ku jiray safar dhex
marayay Bermuda Triangle ayaa hal mar la waayay. diyaaradahaasi waxay ku lumeen
aaggaas, iyadoo aan la helin wax raad ah oo lagu ogaan karo sababta dhabta ah
ee ka dambeysay dhacdadan.
Theories
Ku Saabsan Bermuda Triangle
Waxaa jira fikrado badan oo kala duwan oo loo
soo jeediyay si loo sharaxo waxa ka dhaca Bermuda Triangle. In kasta oo qaar ka
mid ah saynisyahannada ay diidaan in waxa dhacaya aaggaasi ay yihiin wax aan la
sharxayn karin, qaar kale waxay soo jeediyaan fikrado aad u xiiso badan:
1.
Fikrada a Magnetic
Anomaly
Qaar ka mid ah saynisyahannada waxay aaminsan yihiin in aagga Bermuda Triangle
uu leeyahay anomaliyo magnetic (Awood birlabeed)
kuwaas oo sababi kara in qalabka hagida
diyaaraduhu ama maraakiibtu ay khalkhalaan. Tani waxay keentaa in ay lumaan ama
ay ku dhacaan xaalad amni darro ah.
2.
Methane Hydrates
Qaar kale waxay soo jeediyaan in methane
hydrates—gas ka soo baxa dhulka hoostiisa—ay sababi karaan hoos u dhac
degdeg ah iyaga oo khalkahlinaya cufka biyaha taasoo keeni karta inay
maraakiibu iyo doonyuhu ay dagaan.
3. Goobaha
Xarunta Dimenishanka
Fikradda kale ee xiisaha leh waxay sheegaysaa in Bermuda Triangle ay tahay goob
ay ka jiraan dimenshiyo (Caalamyo kale) ama
ay noqoto meel ay ku dhacaan falal supernatural ah. Waxaa laga yaabaa inay
jiraan awoodo aan la fahmin oo waxyeelo ku keeni kara dadka ama waxyaabaha ka
dhaca.
Maxaad
Ugu Xiisaynaysaa Bermuda Triangle?
Si kastaba ha ahaatee, dhammaan dhacdooyinkan
aan la sharxi karayn waxay ina xasuusinayaan in aysan dunidan dhammaan wax
walba la fahmi karin. Waxaa laga yaabaa in waxa dhacaya ay tahay qayb ka mid ah
awoodo qarsoon oo aan weli la garanayn.
In kasta oo aan wali la helin sabab cad oo
dhammaan dhacdooyinka la xiriira Bermuda Triangle, waxa aan ka baranay waa in
aaggaasi uu yahay mid si gaar ah xiiso leh
0 Comments