Socialize

Mu'aamarad: Waraysigii Shaydaanka



Saacadu waa 9:30 hapeenimo, waxan dhex fadhiyay qolkayga markii aan maqlay garaac xoogan oo ka imanaya albaabka...dhakhso ayaan usoo kacay, deg deg ayaan u furay albaabkii...balse cidna ma joogin hareeraha ayaan eegay waa cidla...goaan baan qaatay ah inan qolka iskaga noqdo lkn kahor intanan albaabka xidhin ayaa ishaydu waxay ku dhacday waraaq albaabka hortisa taalla...Si Taxadir leH baan waraqdii usoo qabtaY..Waxa isla markiiba maskaxdayda kuso DhacaY suaalo farabadaN:
*Yaa DhigaY tolow?
*Maxaa ku qoran?
*Ma Anaa lay wadaY?
Dib ayaan ugu noqdaY qolkayga ano waraqdiu gacanta ku haya waxan fadhiistay miiskii qolka dhex yaalay..
Waxaan si Tartiib ah u FuraY warqadii...
Warqada kuma Qornayn cida soo dirtaY iyo ciwaanka lagasoo diray midna taasoo La Yaab igu noqotaY..Warqadii ayaan bilaabay inan isha la raaco..waxana ku qornaa:

Magacaygu waa Ritchald, waxaan ka mid ahay maalqabeenada magaalada, waxaan aad u xiisaynayaa la kulanlaaga.
sidaa daraadeed waxaan hapeen dambe jeclaan lahaa inaynu wada cashayno..
Goobtu waa gurigayga.
Waxba haka biqin hadaanad garanayn meesha uu ku yaal waayo anaa gaadhi kusoo diraya, 8:30 ayuu gaadhigu kusoo doonayaa.

Yaa.?????
Ritchald waa kuma?
Muxuuse iga Rabaa anigaH.?
20 sano ayaan magaaladan joogay waligayna ma maqal nin maal qabeena oo Ritchald la Dhaho...
Hapeenkii waa iska seexday sidii aan waxba dhicin.
Hapeenkii balantu ku beegnayd ayaa 8:30
Waxaa soo dhacay telfoonkayga, waa lambar aanan garanayn waan ka qabtaY..

Aniga: Hello
Qofki kale: soo joseph maaha
Aniga: Haa...adigu yaad tahaY.
Qofki kale: Waxan ahay darewalki uu mudane richald kuso diray, iminkana dibada ayaan kuu taaganahay.
Aniga: ok, iminkan soo baxayaa.

5 daqiiqo ka bacdi baan dabada u baxay, isla markiba waxay ishaydu qabatay gaadhi lemozine ah oo dabaqa hortisa barking ku jira. Gaadhigii ayaan dhowr talaabo dhankisa u qaaday, nin dhar cad wata ayaa gaadhiga daaqadisa taagan, markan uso dhawaaday buu i arkay wuxuu si degdega u furay daaqadii gaadhiga..isagoo leH..

Dareewalkii: joseph soo dhowow mudane Ritchald aad buu u xiisenaya kulankaga, marka kama habsami karno...

Waxaan Gudaha u galaY gaadhigii...hhhh run ahaantii waligay ma Arag gaadhi ka qurux badan, wan ogahay waxba hayla yaabin waayo waa markii iigu horaysay ee aan gaadhi lemozine ah u baxo..
Darewalki gaadhigii buu dhaqaajiyay waxanuna GalnaY safar aan waligaY ka qoomamayn doono....
Mudo 2 saacadood ah baan gaadhiga Saarnaa taasoo la yaab ah..guriga aan u soconaa fogaa...
2 sacadod kadib waxa soo muuqdaY qasri wayn...waxba sidaa haysoo eegin waayo waaa marki igu horaysay ee aan arko gurigan anoo magaalada 20 sano joogaY waa la YaaB....
Waxan GalnaY qasrigii anagoo sii dhaafnaY bawaabada QasrigaH..
Gaadhigi ayaa istaagaY waxa isla markiba daaqada iga Furay darewalki..waxa qasri dhexdisa nagu sugaya nin suuudh xidhan oo da' ahaan aan ku qiyaasaY 60 jir..run ahaan markiba waxan mooday inuu muddane ritchald uu yahaY..palse wuxuu ii sheegay inanu ahayn ee uu yahay madaxa shaqaalaha qasriga iminka uu rabo inuu ii geeyo mudane ritchald oo qasriga igu sugaya.
Waxan Daba GalaY madaxii shaqaalaha oo markii dambe magaciisa iigu SheegaY Parke...parker wuxuu ii horgalaY Xagaa iyo Goobtii uu ritchald igu zugayay.

Waxanu soo galnaY qoL wayn oo yaalo miis ay cunto nooc walba Saaaran TahaY..
Qolka koonkisa ayaa waxa kursi ku fadhiyay nin aan da' aahaan ku qiyaasaY 35 jir oo sita Suudh madow oo aad u qurux badan, Xabad sigaar ahna Afka ku haysta.
Markii aan qolka galnaY ayuu soo istaagaY isla markiba laabta ayuu i gashay isagoo hadalo soo dhowayn igu leH..
Waxan fadhiistaY miiskii cuntada isna wuu isoo hor fadhiistaY waxanuna bilawnaY inan cashayno anagoo suaalo kooban is waydiinayna sababtoo ah marka cashada laga kaco ayaa si fiican laysu waraysan..
Cashadii ayaan kasoo kacnaY waxana u wareegnaY qol uu yaalo hal miis...iyo laba kursi
Miiska waxa zaaran buug iyo qalin..wan yaabaY talow muxuu ritchald qolkan kala soo doonaY..palse waxba ma waydin oo waxan fadhiistay mid ka mid kuraastii qolka isna wuu i hor fadhiistaY..dhawr sikin ka bacdi ayaa wuxu yidhi:

Ritchald: Ma Garan kartaa sababta aan kuu casumay ee aan cashada kuugu yeedhay?
Aniga: maY ma Garan karo sababta...inad ii sheegto ayaan jeclaan lahaa.
Ritchald: HHHHH...hadapa anigu ciyaar ciyaar kuuguma yeedhin...inaad hawl ii qabato ayaan rabaa...
Aniga: Hawl noocee ah mudane?
Ritchald: Waan la zocdaa inad wariye TahaY..waxan rabaa inad waraysi iga qaadoH....
Aniga: Taas maa dhib leH ...maalin walpa qof ama laba ayaan ka qaadaa.
Ritchald: HHHH...palse anigu Dadkas lama mid ihi...
Aniga: Maxad kaga duwantahaY mudane?
Ritchald: adiga ayaa ogaan doonaH ee waraysiga Bilow waayo waqtiga ayaa inagu yaR..
Aniga: WaayahaY mudane..

Waxan soo qabsaday buugii iyo qalinkii waxana bilaabay waraysigii:

Aniga: Mudane marka hore magacaaga zaxda ah Nala Wadaag?
Ritchald: Ibliis
Aniga: Yaaa!.?
Ritchald: Haa waxan ahay Shaydaan..Shaydaan..Shaydaan..

Isagoo hadalkii sii wata ayuu wuxuu yidhi:
Waxaad sharaf u yeelatay inaad adiga oo bani aadam daciif ah aad isoo hor fadhiisato
U jeedkaan kuugu yeedhay waa inaad waraysigaa iga qaado, albaabkaa mar hadaad soo dhaaftayna meel aad ka laabatid ma jirto, laba wado ayaa kuu banaan:
Wadada fudud oo ah inaad waraysiga iga qaado.
Iyo wadada adag: oo ah inaan anigu kugu qasbo.

Argagax baan qaaday iyo baqdin xoog leh, isla markiiba waxay maskaxdaysu qaadatay goaan ah inaan naftayda badbaadsho, hadaba sidee ku badbaadin karaa, waa anoo waraysiga ka Qaada.

Aniga: Waan kaa Qaadayaa waraysiga balse mid iga balanqaad inaanar naftayda waxba soo gaadhayn..

Ritchald: Waxba kuma soo gaadhayaan waayo marti baad ii tahay.
Wuxuu bilaabay inuu si baqdin iyo jeesjees leh u dhoola cadeeyo kadib wuxu yidhi..

Ibliis: Waraysiga ma sii wadanaa?
Aniga: Haa..haa xagee maraynaY..
Ritchald:Magacaygu ibliis waxan ahay shaydaan wax walba aniga ka dambeeya..Haa Aniga ayaa ka dambeeya...
Dagaaladii kowaad iyo labaad ee aduunka aniga ayaa ka dambeya.
Xasuuqii yahuuda anigaa ka dambeeya.
Dagaalkii Vietnam,Lebnon,Liberia, Syria, Falastiin iyo kuwo kaleba aniga ayaa ka dambeeya..
Qaraxyadii 9/11 aniga ayaa ka dambeeya.
U jeedkaygu waa mid, hal hadaf ayaan leeyahay..aduunkan waa in gabi ahaanba iimaanka dhabta ah iyo caqiidada saxda ah laga tirtiraa.

Magacaygu waa ibliis, waxaan ahay shaydaan.
Lagasoo bilaabo abuurkii Aadan ilaa maanta waxaan dadaal kama dambays ah ugu jiray sidii aan bani aadamka uga aargoosan lahaa, Caawana aniga ayaad ii casumantahay.
Waad ku qasbantahay inaad waraysigan iga qaado,sababta igu kaliftay inaan waraysigan bixiyo maaha mid uu bani aadam yar oo daciif ahi ogaan karo.

Waraysigani maaha mid aad noociisa hore u aragtay, Suaalo ima waydiinaysid balse dhacdo walba oo aan kaaga waramo indhahaaga ayaad ku arki, dhegahaagana waad ku maqli, ha i waydiin siday u suurtoobayso hana ilaawin abuurta ku hor fadhida inuu yahay "Ibliis".
Buugan ku horyaala waa buug mucjiso ah, wuxuu ka kooban yahay 17 page.
Page walba sawir gaar ah buu leeyahay, sawirkaasina qiso ayuu xambaarsan yahay sidoo kale marwalba oo aan dhacdo kaaga waramayo dhamaan muuqaalada dhacdada buugan ayaad ka daalacanaysaa...haa waa run.

Hadana buuga fur oo page-ka koowaad lasoo bax zawirka ka muuqda ii sheeg..si aynu u gudo galno qisada ku duugan sawirkaas.

Waxaan furay page-kii kowaad ee buuga, kadib waxaan si taxadir leh u eegay sawirka meesha ku xardhan...Waa nin Baalal leh oo kaahaya oo samada kasoo dhacaya dhulkana aan wali gaadhin..

Sidii baan ugu sheegay, kadib wuxu bilaabay inuu qisada ka dambeysa uu ka waramo.



La Soco Qaybta Labaad...
Qore:Awil Saed Duale

Post a Comment

0 Comments