Socialize

Abiy Axmed iyo Nobel Prize


Raysul wasaaraha Ethiopia Mudane Abiy Ahmed ayaa ku guulaystay jaaisada Caalamiga Ee nobel peace price.
Jaaisadan ayaa waxa lagu siiyay hawlaha nabadeyn ee qaarada Afrika oo uu si weyn uga qayb qaatay raysul wasaaruhu.
Shacabka Ethiopia ayaa dareen farxadeed kaga falceliyay dhacdadan iyagoo sheegay inay umad ahaan ay u tahay mid ay ku faani karaan in Abiy Axmed la gudoonsiiyo Nobel prize.
Xafiiska raysul wasaaraha ayaa Bogga twitter wuxuu kusoo qoray:
 Aad baanu u faraxsanahay, waxay jaaisadani tusaysaa dadaalka uu masuulku ugu jiro sidii uu qarankan u kobcin lahaa.
 Baraha bulshada ayaa waxa laysla dhex marayaa hambalyo iyo bogaadin loo dirayo raysul wasaare Abiy Axmed.

Post a Comment

0 Comments