Socialize

Kuuriyada Koofureed oo K/Waqooyi ka dalbatay wada hadal milatari




Dowladda Kuuriyada Koofureed ayaa soo jeedisay wada hadalladii milatari ee ugu horreeyay ee ay la yeelaneyso Kuuriyada Waqooyi tan iyo sanadkii 2015, kaddib gantaalladii is daba joogga ahaa ee ay Kuuriyada Waqooyi dhowaan tijaabisay.


Madaxweynaha Kuuriyada Koofureed Moon Jae-in oo talada dalkaasi qabtay bishii May ee sanadkan ayaa sheegay dhowaan isagoo ku sugnaa magaalada Berlin in wada xaajood lala galo Kuuriyada Waqooyi ay aad muhiim u tahay haatan, si xukuumadda Pyongyang loogu qanciyo inay joojiso barnaamijkeeda hubka nukliyeerka.
Wada hadallada ayaa laga yaabaa inay bilowdaan Jimcaha soo socda ayna ka dhacaan goob milatariga ka caaggan. Wasiir ku xigeenka difaaca, Suh Choo-suk, ayaa sheegay in xukuumadda Seoul ayaa codsaneyso kulan labada Kuuriya ku dhex mara goob milatariga ka caaggan:

Suh Choo-Suk ayaa sheegay in codsi rasmi ah loo diray xukuumadda Pyongyang, wuxuu sheegay in ujeeddadu ay tahay yareynta howlgallada ka socda xadka kuwaas oo sababay xiisado milatari.


Post a Comment

2 Comments