(keliya waxaan sheegi karaa in toban sano jirkeygoo mayd aan waxba dhaamin uu yaalay isaga oo aan daboolneyn god ku yaala Deegaanka Arizona ee dalkaasi Mareykanka).
Akhristayaal waa sheeko
xiiso leh, taas oo laga soo guuriyey Buuk Sheeko oo Ameerikaan ah, waxaana
sheekadani lagu magacaabaa (Boqorraddii Meerayaasha), waxaana qoray, qoraa
Ameerikaan ah oo lagu magacaabo Mister Burroughs, waxayna ku saabsan tahay
sheekadani nin safar aan caadi aheyn ku tagay Meere (Dhul aan dhulka
Bini’aadamku ku nool yahay aheyn oo Cilmiga Juqraafiga lagu sheego, alle ayaase
og) xiligii 1800-kii, waxa uuna ninkaasi halkaasi kula kulmay waxyaabo mucjiso
ah isagoo arkay muuqaalo ka yaabiyey, waxa uuna markii hore ninkaasi noqday
maxbuus, kadibna waxa uu ka mid noqday askarta Meeraha, dagaal badan oo uu
galay kadibna waxaa u suuragashay inuu ka mid noqdo qoys reer boqor ah oo iyana
ku noolaa Meere (Dhul) aan aheyn kan uu markii hore tagay ninkaani.
Ninkaan
oo lagu magacaabo John Carter ayaa sheekadda oo uu naftiisa ka sheekeynayo waxa
uu ku bilaabay sidan:
Waxaan
ahey nin da’ ah, inta sano oo ay da’deedu tahayna ma garanayo, waxaa macquul ah
in boqol aan gaaray amaba aan kor u dhaafay, laakiin xaqiiqdii ma sheegi karo,
maxaa yeelay weligey ma xisaabin da’deeyda sida looga bartay ragga kale,
inkastoo taasi jirto haddana in badan oo nolosheyda ah ayaan xasuustaa, maanta
afartan jir ayaan u muuqdaa, da’daas oo aan sanado badan ka hor ahaa, laakiin
waan rumeysanahay in weligey aan noolaan doonin, maalin un baan dhimanayaa
dhimashada dhabta ah oo aysan jirin cid ka baxsan karta, ma garanayo waxa aan
uga baqdo dhimasho, horey baan labo goor u dhintay laakiin hadda waan noolahay.
Weligay
horey ma aanan u sheegin qisadan igu dhacday, waxaan ogahay in maskaxda
Bini’aadamku marnaba aamineyn, maxaa yeelay qisadeydu ma ahan mid la fahmi
karo, mana sharixi karo waxa igu dhacay, keliya waxaan sheegi karaa in toban
sano jirkeygoo mayd aan waxba dhaamin uu yaalay isaga oo aan daboolneyn god ku
yaala Deegaanka Arizona ee dalkaasi Mareykanka.
John
Carter oo intaa horudhac ka dhigtay ayaa Sheekada horey u sii galay, waxa uu
yiri: waxaan ku noolaa Gobalka Virginia ee dalka Mareykanka, halkaas
waxaa ka dhacay dagaalo sokeeye, waxaa dhacday in dhibaatada jirtay ay i
gaarsiisay in aan Hoy la’aan noqdo, lacag wixii aan haystayna iga dhamaato,
sidoo kalana ay igu dhacdo shaqo la’aan, waxaan go’aansaday in aan keeno qorshe
aan nafteyda ku maareeyo oo wanaagsan, waxa uuna qorshaheygu noqday in aan
baadi goobo Dahab, kaas oo lagu sheegay in laga heli karo lama- dagaan ku yaala
Koonfur galbeed Ameerika.
Mudo ku
siman hal sano ayaan ku bixiyey raadinta Godadka dahabka laga helo, waxaana
safarkaasi igu wehliyey nin askari hore ahaa oo la oran jiray Kabtan James
Powell oo qudhiisa reer Virginia ila ahaa, runtii nasiib wanaagsan ayaan yeelanay
markii hore, maxaa yeelay sanadkii 1865-kii ayaan helnay Dahab ku dhegan
dhagxaan, Saaxiibkeyga safarka igu wehliyey ee Powell isagu wax xoogaa Cilmi ah
ayuu u lahaa Dahabka iyo astaamihiisa iyo qiimihiisa, waxa uu igu wargeliyey in
aan helnay Dahab u qalma hal Milyan oo Doolar, waxaana is tusnay in haddii aan
shaqada sii wadno aan heli karno Dahab fara badan, balse dhanka kale ayaan
iyana iska tusnay in aan nahay labo nin oo aan wadan qalab sidaasi u
casriyeysan, sidaa darteed ayaan go’aan waxaan ku gaarnay in Powell uu aado
Tuulada noogu dhow si uu noogu raadiyo qalab iyo waliba rag nagu caawiya
shaqada.
3-dii
Maarso1866-kii, ugu dambeyn Powell waa uu iga tagay isagoo u dhaqaaqay
go’aankeena sidii uu u hirgelin lahaa, waxa uuna qaatay Faras isagoo ka sii
daadagay buuro dhaadheer oo ku yaalay meesha aan joognay oo dooxo ahayd,
aniguna in cabaar ah ayaan sii fiirinayey ilaa uu Saaxiibkey iiga muuqan waayo.
Subixii
Powell iga dhaqaajiyey waxay iila mid ahayd subaxyada kale ee Lama-dagaanka Koonfur
Galbeed Ameerika, iyadoo subaxaasi ahaa mid iftiimaya oo qurux badan.
Wax
badan kama soo wareegan markii anigoo socod ku goynaya Dooxadii aan arkay
saddex nin oo saarnaa Fardo oo goob ku wada sugnaaa, waxaan isna goobtii meel
aan ka fogeyn ka arkay Saaxiibkey Powell, in mudo markii aan kor ka eegayey,
waxaan niyadda ka goostay in saddexda nin yihiin caddow, waliba ay ka tirsan
yihiin Qoomiyadda Hindida Cascas (Cali-Baystayn) ee wadanka Mareykanka ku nool.
Saaxiibkey
Powell, waan la socday in uu si fiican u hubeysnaa, isla markaana uu ahaa
Askari khibrad leh, laakiin meesha way ku jirtay in uu u baahnaan karo
caawimaad, waxaan la soo baxay hubkeygii ii saarnaa Faraska, waxaan sidii ugu
macquulsaneyd oo ugu dhaqsiyaha badneyd isugu shubay dhankii Powell
bidhaantiisu iiga muuqatay.
Waxaan
hadba qar ka soo boodo, oo dhul soo jeexaba, habeenkii ayaa dusheyda ka
madoobaaday, malaha bindhaanta aan kor ka arkay waxaan islahaa way kuu
dhawdahay, laakiin waxaa ii cadaatay in meesha aan saarnaa oo dul sare ahayd i
qaladay, waan deg degay oo socodka xawaarihiisaan kordhiyey, waxaan bartanka
uga soo dhacay xero yar, waxaan isha ku dhiftay Saaxiibkey Powell oo dhulka
yaala, kama aan fikirin wax aan qabto, balse isla markiiba ficil ayaan ku
dhaqaaqay, waxaan la soo baxay qorigaygii oo waxaan bilaabay in aan rasaas ka
rido, markaasoo kooxdii Cali Baystaanka ahayd ay ila yaabeen oo ay cagahana wax
ka dayeen (Carareen), Faraskeygii ayaan amar ku siiyey in uu xerada iyo halkii
Powell dangiigay i dhex geeyo, markii aan Powell dul tegay ayaan garabka ka
qabtay oo Faraskii si halhaleel ah dusha uga saaray, Faraskeygii baan kula
hadlay in uu Xawaaraha ugu badan ee uu awoodo igula dhaqaaqo, kooxdiise
Calibaystaanka ahayd waxay ogaadeen in aan nin qura ahay oo aysan cidina i
wehlin, waxayna bilaabeen in ay i soo raacdeystaan, si lama filaan ah ayaan ugu
soo dhacay dhul wadooyinkiisu qaab xun yihiin oo ay adagtahay in Farasku qoobka
si fiican u dhigto.
Wadada
aan ku socday ayaa marba marka ka dambeysa kor u sii kaceysay, boqolaalo Mitir
markii aan sidaasi kor ugu sii socday ayaan gaaray god weyn afkiis, waxaana
markaasi dilaacay Subixii, waan ka degtay Faraskii anigoo Saaxiibkey Powell
dhulka ka soo dhigay Faraska, waxaan u holaday in aan biyo siiyo, laakiin waa
uu iga qaadan diiday, waxaanse garowsday in Saaxiibkey Powell mar horaba ruuxu
daayey (Dhintay), maydkiisii baan godka afkiisa dhigay, anigana horey ayaan
godkii u sii galay, madaama cadow i eryanayey, waxaan bilaabay in aan godka
sahan ku sameeyo anigoo markaasi raadinayey meel aan ku badbaadi karo, amaba
xitaa aan ku baxsan karo, laakiin midda la yaabka lahayd waxay ahayd waxaa si
deg deg ah ii saaqday hurdo daran, taas oo igula hadleysay in aan madaxa dhulka
dhigo, jirkeygii ayaa soo cuslaaday, waxaaba dhib igu noqotay in aan
dhaqdhaqaaqo, sidaa darteed ayaan isku tiiriyey godka qarkiisa, waxaan sidoo
kale gartay in xitaa Gacamaha iyo lugaha nuux nuuxsi uusan ka jirin, waxaana
wajigeyga ku soo cabiray godka afkiisa, waxaana arkayey qayb ka mid ah wadadii
meesha i keentay, anigoo ilaaleynayey kooxdii i soo daba haysay, nasiib-daro
way i arkeen, laakiin wax aan qaban karay ma jirin.
Daqiiqad
gudaheedna mid ka mid ah ayaa dhankeygii soo beegsaday, waa uu i fiiriyey,
laakiin iguma soo dhawaan, indhihiisu waxay ahaayeen kuwo cabsi ka muuqato,
afkana waa uu kala hayey sidii bahal xayawaan kale u dilan yahay, gadaasheyda
ayuu fiiriyey isla markiiba, kadibna waaba uu cararay, taas oo qudheyda
iga yaabiysay, anigoo waxba gadaal eegin, baa si deg deg ah waxaa dhagaheyga
ugu soo dhacay cod hoose oo nuxuus ah oo gadaasheyda ka imaanayey.
Intii
kale ee kooxda Cali-baystaanka ka mid ahayd iyana cagaha ayay wax ka dayeen,
qayladii gadaasheyda waa godka dhexdiisee ka burqaneysay wayba ka sii dartay oo
markaan dhego jabis ayay gaartay, laakiin anigu weli dhaqdhaqaaq ma sameyn
kareyn, mana awoodin in aan jaleeco waxa gadaasheyda ka yeerayey, maalintii oo
dhanna xaaladaas ayaan ku sugnaa, mar kale ayaan isku dayey in aan madaxa kor u
qaado waanse awoodi waayey, waxaanse maqlayey in codku ka sii darayo, wuxuuna
markaan u ekaaday sidii biro la jajabinayo, waxaan xoogaa awood u yeeshay in
aan istaago anigoo kaashanaya darbiga godkii aan ku jiray, waxaan eegay meeshii
ay jabaqdu ka socotay, mise waxaaba taa ka sii daran jirkeygii oo is bedelay,
waxaan ka baqday xitaa in aan taabto korkeyga, qayladii ka socotay godka iyo
muuqaalka jirkeyga ayaa igu qasbay in aan dibadda u soo baxo, laakiin tartiib
tartiib ayaan godka ugu laabanayey oo waxaa i jiidayey wax aanan arki kareyn,
habeenkaas jawiga deeganka Arizona ayaan fiiriyey, waxaan arki karayey
xidigo fara badan, iyo waliba muqaalo iga yaabiyay oo ahaa Meerayaal (Dhulal)
gudguduudan qaarkoodna kalaro kale lahaa oo samada iiga muuqanayey, sidii aan
daawashada ugu jiray ayaa daqiiqad gudaheed Indhaheygu xirmeen, waxaana yimid
qabow daran iyo waliba mugdi haddii isha farta lagaa gelinaya aadan waxba arki
karin, si lama filaan ah ayaa hurdo qoto dheeri iigu soo degtay, mana garanayo
wixii markaasi kaddib dhacay, waxaanse indhaha ku kala qaaday anigoo jooga dhul
layaab leh, isla markaana waxaan garowsaday in aan dul joogo mid ka mid ah
meerayasha Addduunka, xaqiiqdu waxay tahay su’aal iskama weydiin, laakiin
maskaxdeydu waxay ii sheegtay in aan meere dul saaranahay, sida ay maskaxdaadu
kuugu sheegi lahayd in aad dhulka ku sugan tahay.
Waxaan
is arkay aniga oo dul jiifa Sariir caws ka sameysan oo kalarkeedu yahay Jaale,
isla markaana ku fadhida dhul dhowr Kiilo Mitir ah, waqtiga waxaan ku qiyaasay
maalin bartankeed, qoraxduna dushayda ayay ka ifeysay oo waxay ahayd mid
diiran, waxaan go’aansaday in aan indha-indheeyo halka aan ku suganahay sida ay
tahay, istaag baan maagay, oo waxaa i daftay hawada anigoo dhowr fiid dusha
sare u baxay, waxaan helay la yaabkeygii ugu horeeyey ee Meerayaasha dushooda,
isku daygii ugu horeeyey ee aan doonayey in aan ku istaago ayay dabayshu hal
mitir kor ii dhifatay, haddana dhulka ayaan si tartiib ah ugu degay, iyadoo wax
dhaawac ah oo i gaaray aysan jirin, waxaanse iska dhaadhiciyey in aan baran
karo ku socodka dhulkaan cusub ee aan dul imid, waxaan maqli jiray in
Meerayaasha qaarkood ay ka cuf-isjiidad yar yihiin dhulka caadiga ah ee
Bini’aadamku ku nool yahay, socodkeygiina waxa uu noqday in aan boodboodo oo
aan hawada sabeeyo, waxaan gartay in xoog dhaqdhaqaaq oo ka yar kii dhulka la
iiga baahan yahay haddii aan doonayo in aan awood u yeesho socod, darbi yar oo
gaaban baan koray hoostiisii baan fiiriyey, waxaan arkay Ukxaan (Ukumo) tiro
badan oo daadsan qaarkoodna ay goor horaba dilaaceen oo ay af yeesheen, waxaana
iiga dhex muuqday Muuqaalo nool nool oo yar, midab cagaarana leh, mar qura
ayayna indho tiro badan oo laga cabsan karo igu soo fiiriyeen.
Sidii
aan u fiirsanayey maqluuqaadkii fajaca igu abuuray, waxaan dhabarkayga dambe ka
maqlay shanqar, aan soo eegayba waa maqluuqaad kuwii aan fiirinayey ka waaweyn
oo socda, isla markaana mid ka mid ah uu dhankeyga u soo ruqaansanayo isagoo
wata Waran dheer oo caarad fiiqan leh, aadna moodana in uu caaradda waranka
Wadnaheyga ku shiishayo.
Maqluuqaadkaan
dhamaantood waxay wateen warmo wada caarad leh, waxayna saarnaayeen xayawaano
gaadiid u ahaa oo runtii qudhooda waaweynaa oo cajaa’ib ahaa, mid kasta oo ka
mid ah maqluuqaadkaanna waxa uu sitay hub dhowr nooc isugu jiray oo isna iga yaabiyey,
mid kale oo iyaga ka mid ah ayaa Xayawaankii uu saarnaa ka soo degay oo xageyga
u soo saan-qaaday, dhererkiisa ugu badnaan waxa uu gaarayey shan Mitir,
midabkiisuna waxa uu ahaa Cagaar Tiq ah, ilko badana wajigiisa ayay ka soo
taagnaayeen, saansaankiisa guudna waxa uu u muuqday mid cabsi leh, waxaana
gartay in aan bartanka uga jiro xaalad xun, isagiina dhankeyga ayuu u soo deg
degay isagoo warankii iigu hanjabaya, anigu gebi ahaanba wax hub ah ma
wadan, mana awoodi karin in aan dagaalamo, keliya fursaddaan heli karay waxay
ahayd in aan baxsado, waxaana maskaxdeyda mar qura ku soo dhacday inaan horey u
kasbaday waxyaabo mucjiso ah oo aan dhulka sare uga kici karo, sidaa darteed
ayaan u diyaar garoobay in aan sidaasi ku baxsado, markii uu igu soo dhawaaday
ayaan ka dul booday, waxaase la yaab noqotay in ay kuwii kale mar qura ila
amakaagaan, waxayna bilaabeen in ay i daawadaan, waxaa jawigooda ka muuqatay la
yaab ay iga qabaan, way isku soo uruureen oo ay bilaabeen in ay faqaan, markii
ay isla hadlayeen ayaan goostay in aan baxsado, si kastaba ha ahaatee waxaan
garawsaday inay wataan aalado qatar ah oo aanan ka baxsan karin, sida Qoryo
culus oo ay xambaarsanaayeen, sidaa darteed iskuma dayin in aan cararo.
In
cabaar ah markii ay ila fajacsanaayeen ayaa mid u soo beegsaday, intii uusan i
soo gaarin ayuu istaagay oo gacantiisa ka soo furay Bir ku dahaarneed, isagoo
ii soo taagay, waxa uuna igula hadlay Luuqad aanan garaneyn oo iga yaabisay,
wuxuu sidoo kale dhulka dhigtay hubkii uu watay, waxaana markaan tan u fahmay
calaamad muujineysa nabad iyo in uusan dooneyn in uu i waxyeeleeyo, aniguna
waan ku dhaqaaqay oo cod jilacsan ayaan Magaceyga ugu sheegay, waxaana u sii
raaciyey in aan nabad doonayo, waxaanse gartay in uusan i fahmi karin, laakiin
calaamad ayaan muujiyey oo aan ugu micneynayey in aanan dagaal u socon.
Si
tartiib-tartiib ah ayaan isku fahanay, kooxdii ayaana ku biiray, waxa uuna i
siiyey birtii gacanta ugu daboolneyd, tilmaan ayuuna gacanta iigu bixiyey si
aan u raaco iyaga, waxaana wada fuulnay Xayawaankii weynaa ee Mucjisada ahaa ee
uu markii hore isagu saarnaa, si dhaqsi ah ayaan ugu dhaqaaqnay dhul buuraley
ah, oo aad madoobaba in ay dusheena ku soo foorarsanayeen, waxaadna u
maleyneysaa in aad bartanka u joogto badweyn dhimasho.
Waxaan
dhul soo jarnaba oo marba Dooxo ka soo daadegnaba, waxaan markii dambe soo
gaarnay Magaalo yar, markii hore Magaalada dhaqdhaqaaq la’aanteeda waxaan u
maleeyey in aysan cidina joogin, dhismayaasheeda waxay ahaayeen kuwo dayactir
la’aani ka muuqato, laakiin si dhaqsi ah ayay indhaheygu u qabteen Boqolaalo
maqluuqaadka ila socday oo kale ah, qaarkoodna ayba ka sii yaab badan yihiin,
sidii Bini’aadamkii ayay Lugo iyo Gacmo, iyo Waji leeyihiin laakiin midabka iyo
jirka waa ay ka gedisan yihiin bini’aadamka caadiga ah, waana Maqluuqaad xajmi
weyn leh, waxaan arkay Haween iyo Carruur wada cagaaran, waxaana bartay
magaalooyin kale oo iyana noocaan oo kale yihiin waxa ku nooli,
Maquulaadkaan cagcagaarani oo qaar ka mid ah Meerayaasha dunida ku nooli, waxa
caado u ah inay mudo todobaad gudihiis ah ay dhowr magaalo isu maraan, micnaha
inay mid ka guuraan oo ay mid kale degaan.
Waxaan
ka soo deganay Xayawaanaadkii aan dusha ka saarneyn, waxaana u dhaqaaqnay
dhismayaashii xaggooda, waxaan galnay qol weyn kaas oo ay ka buuxeen kuwo kale
oo cagaaran oo wajiyadoodu ka muuqato caro, runtii wax shaki ah kuma sugneyn in
kuwaani ahaayeen Madaxda deegaanka, mid ka mid ah ayaa gacanta iga qabtay, waa
uu i ruxay, isla markaana kor iiga qaaday dhulka, waa uu qoslayey markii uu
sidaasi sameynayey, waxaan ogaaday in Noolayaasha cagcagaaran ee Meerayaasha
keliya qoslaan marka ay cid kale xanuujiyaan ama ay dhib u gaystaan, dhulka
ayuu dhowr jeer igu dhiftay, markii dambase kor ayuu ii soo qaaday isagoo
gacanta igu dhegan, anigu waan xanaaqay, waxaan wajiga kaga dhuftay gacanteyda
oo xiran (Feer), taas oo ahayd waxa keliya oo aan sameyn karayey, isna dhulka
ayuu ku dhacay wax dhaqdhaqaaq ahna ma sameynin, intii kale ee qolka ku jirtay
ayaa mar qura wada aamusay, waxayna la yaabeen in gacantayda oo keliya dhulka
dhigtay mid iyaga ka mid ah oo ay xoog ku tuhmayeen.
Markii
ay intaasi dhacday ayaan ka soo yara durkay oo u diyaar garoobay inaan sameeyo
wax kasta oo aan isku difaaci karayey, laakiin iyagu ma dhaqdhaqaaqin, balse
kii markii hore i soo waday ayaa i soo aaday waxa uuna cod jilicsan ku yiri
(TARS TARKAS ---- TARS TARKAS), isagoo markaasi fartiisa ku taabanaya
xabadkiisa, waxa uu ii sheegayey magaciisa, aniga sidoo kale ayaan xabadka
farta saaray oo u sheegay in magaceyga la yiraahdo John Carter, waa uu jeestay
waxa uuna ku dhawaaqay erey ahaa (Sola), si deg deg ah ayaa waxaa goobti ku
timid Haweenay cagaaranayaasha ku jirta, waa uu la halday, markii ay hadalkooda
dhameysteen ayaa i soo aaday oo ii horkacday dhismo kale iyadoo I geysay qol
wanaagsan.
Qolka
waxaa ku xareysnaa qalab la mid ah kii ay ku hubeysnaayeen maqluuqaadkii
cagcagaarnaa ee isoo waday, Haweeneydii i soo waday ayaa cunto ii soo
diyaarisay, runtii gaajo daran ayaa i haysay, sidaa darteed cuntadii waan
cunay, anigu ma af garanayo iyada, sidaa darteed ayaa anigoo iyada tilmaamaya
ku iri ereygii hore ee (Sola), iyana aniga ayay i tilmaantay oo magaceygii ayay
igu tiri, Haweeneydaasi Sola waardiye ayay iga noqotay, sidoo kalana Macallimad
ayay ii noqotay, waqti yar gudihiisa isku soo dhawaansho ayaa jiray, markii
dambana saaxiibo ayaanba noqonay, aniguna qolkii ayaan isaga jiray, wuxuuna
waqtigu iigu kala qaybsanaa mar aan wax cunayo iyo mar aan baranayo Luuqadda
dadkaan cusub ee aan la joogo.
Labo
maalmood kadib, ninkii TARS TARKAS ahaa ayaa qolkii iigu yimid, waxa uuna
siday hub iyo biro ay dadkaani gacamaha ku xirtaan, waxa uuna dhigay qolka oo
uu horey u yiil hub, Haweeneydii Sola ayaa u sheegtay in aan haatan wax ka
bartay luuqadooda, sidaa darteed waa uu i soo jaleecay si hoosana iila hadlay,
waxa uuna yiri, “ninkii aad feerka ku dhifatay waa uu dhintay, hubkiisii iyo
Bir gacmeedkiisii adiga ayaa lagugu wareejinayaa”, isagoo hadalkii wada ayuu
sii daba dhigay “ninka aad dishay waxa uu hogaamiye u ahaa koox dadkayaga ka
tirsan, maadaama aad adigu dishayna haddana waa in aad hogaamiye u noqotaa
kooxdaasi”. TARS TARKAS ayaa dhanka kale ii sheegay in aan maxbuus ahay
oo aan fasax aheyn, basle si kasta ha ahaatee kalsoonida ay dadkiisu igu qabaan
ka soo rayneyso.
Intii
uu ila hadlayey ayaa waxaa ilinka soo istaagay Xayawaan isna qaab dhismeedkiisa
aad la fajaceysid, qiyaastii Eey waa uu ka balaarnaa kana weynaa, waxa uuna
ahaa mid fool xumo isku baheysatay, waxa uu lahaaa ilko safan oo fara badan iyo
toban lugood oo gaa-gaaban, Tars Tarkas ayaa la hadlay Xawaankii iguna
soo tilmaamay, isna waa uu iska baxay, Xawaankii la yaabka lahaa waa uu i
fiiriyey, isagoo igu soo dhawaanayey, kadibna Sola ayaa bilowday in ay warbixin
iga siiso xawaankaan waxa uu yahay, waxayna hadalkeeda ku bilowday “Maqluuqaan
magaciisa waxaa la yiraahda Woola, raggeena ayaa u isticmaala dagaalka iyo
waliba Ugaarsiga, waxa uuna haatan halkan u yimid in uu adiga ku waardiyeeyo
kuna ilaaliyo, sidoo kale waxaa lagu wargeliyey in aadan baxsan, ma jiro
maqluuq ka dheereeya oo ku nool Geyigeena, xagga dagaalka si dhaqsi ah ayuu wax
ku dilaa, marka John Carter ha isku dayin in aad baxsato, haddii kale Woola
waxay ku jeex jeexi donaa sidii warqaddii”
Intaas
markii ay Sola ii sheegtay, waxaan iska sii watay daawashada maqluuqaan Woola
la iigu sheegay, horey ayaan u arkay sida ay dadka halkaan ku nooli ula
dhaqmaan maqluuqaadka kale, runtii waa xaasidiin, waxaan ku fikeray in aan
xawaankaan la ii keenay is baro, sida Eeyaha caadiga ah ee aan garanayo dadku
isku baraan, waan ku dhawaaday oo bilaabay in aan la haldo anigoo ula hadlaya
sidii aan Eey ula hadli lahaa oo kale, meel agtiisa ah ayaan fariistay hadal
jilicsana kula hadlay, laakiin markii hore waxa uu u muuqday in uu igu
jahwareersan yahay, waxaan iska dhaadhiciyey in naxariis aan lagala kulmeyn
xawaankaan, laakiin maalmihii xigay waxaa isa soo tarayey kalsoonida aan
siinayey Woola iyo midka aan anigu ka helayey, anigoo si kis kis ah u
baranayey, waxayna markii dambe Woola noqotay saaxiibtey qataraha iga ilaalisa
mudadii dheereed ee aan Meeraha dul joogay.
Dhowr
maalmood kadib Sola ayaa ii timid, iyadoo arrin weyn ii wada, waxayna ku
qaylineysay “John Carter i soo raac, Dagaal ayaa socda, caddow ayaa ku soo
dhawaaday Magaaladeena, waa in aan dagaal iyo sidii aan ku baxsan laheyn u
diyaar garoownaa”, intaas markii ay tiri ayaan weydiiyey waxa uu Caddowgu
yahay, waxayna ii sheegtay in Qawmiyad kale oo ku nool Meere kale soo
weerareen, waxayna sidoo kale ii sheegtay inay wataan qalab casri ah, isla
markaana ay Buuraha nagu dhow soo gaareen, iyadoo amar igu siisay in aan hubka
qaato kana dhaqsano meesha.
Hubkii
ayaanu qaadanay, si halhaleel ah ayaana dhismihii Magaalada Banaanka uga baxnay
waxaan ku biirnay kooxo kale, dhamaanteena dhankii caddowga laga sheegayey
ayaan beegsanay, waxaa meel dheer iiga soo muuqday wax dayaxgacmeed oo kale
ahaa, waxayna furayeen xabado, iyadoo sidoo kale qaraxyo badan dhacayeen,
kooxdii aan la socday waxay bilaabeen in ay iska caabiyaan iyagoo isticmaalayey
hubkooda aan sidaasi waxtarka u laheyn, dhamaan jawigii meesha waxaa buuxiyey
rasaasta iyo halganka dagaal ee socday, si lama filaan ah ayaana dhowr ka mid
ah wixii Dayaxgacmeedka u ekaa ee ay wateen caddowga la sheegayey dhulka ugu
soo dhaceen iyagoo qarxay, waxaana koray kooxdii aan la socday, markii dusha
sare la isugu tagayna waxaa halkaasi ka bilowday dagaal xoogan oo gacmaha la
isula tagay, waqti yar kadibna waxaa kooxdii aan ka mid ahaa u suuragashay in
ay la wareegaan gaadiidkii ay wateen caddowga soo duulay, iyagoo ka qaatay
kuwii qarxay dhamaan wixii wax tar lahaa.
Ugu
dambeyntii, waxay halkaasi ku qabqabsadeen maxaabiis dhowr ah, maxaabiistii la
soo qabtay markii ay igu soo dhawaadeen, waxaan ka dhex arkay Haweenay, taas oo
lahayd suurad Bini’aadam oo kale, waa ay yareed, jirkeeduna waxa uu ahaa mid
iftiimaya oo guduudan, runtii gebi ahaanba waxay lahayd midab maariin ah.
Wax aan
fiiriyaba waxaa markii dambe ii muuqatay in gabadhu ay qurux badan tahay,
waxayna lahayd waji quruxoon oo ay ku yaalaan indho madmadow, waxay kaloo
lahayd Timo madow oo dhaadheer, sidii ay raggii waday u soo horkacayeen, markii
ay igu soo dhawaatay ayay i aragtay, runtii la yaab ayaa wajigeeda iiga
sawirmay, sidoo kale wajigeeda ayaa waxaa iiga muuqday rajo, aan runtii u
fahmay in ay maleysay in aan garab siin doono, laakiin wax isku day ah oo ah in
aan la hadlo ma aanan sameynin, isla markiina wajigeeda ayaaba murugo fuushay,
waxay ii fiirisay si hoose oo cabsiye ka muuqato, aniguna waan fiirinayey ilaa
ay iga miriqdo, intii aan jawigaasi ku sugnaa waxaa i ag taagneyd Sola oo si
weyn ula socotay dareenkeyga, aragtayna in aan mashquulay.
Sola
ayaa ila hadashay, waxayna i tiri “John Carter, naagtaasi xaalad xun ayay bartanka
ka taagan tahay, waad u jeedaa ayaan u maleynayaa inay maxbuus tahay, waxaana
la geyn doonaa Xero weyn oo la isugu keeno dadka maxaabiista ah, halkaas waxaa
ka dhaca falal xun oo dadka maxbuuska ah loo gaysto, oo natiijada dambe waxay
noqotaa in noloshooda loo aqoonsado, runtii markii ay intaasi dhacayaana
dadkeenu waa ay ku raaxeysanayaan oo waa caadadooda”.
Intaas
markii ay Sola igu wargelisay ayaa Sola wajigeeda waxaa ka soo muuqday murugo,
waxaan ka gartay in dhaqankaan ay sameeyaan dadkeedu aysan ka helin, isl
markaana ay neceb tahay, sidoo kalana aysan dooneyn waqtigaa in ay aragto
gabadhaa yareed dhimashadeeda, runtii wayna ka aragti duwaneyd dadka kale ee
Qoomiyadeeda ka tirsan, sidaa darteed ayaan si aan u ogaado dareenka dhabta ah
waxaan weydiiyey in ay iyadu ka hesho cayaaraha noocaan oo kale ah iyo in
kale.
Sola
ayaa igu jawaabtay “John Carter, Hooyadey ayaa ku dhimatay cayaartaan foosha
xun, ma xasuusataa darbigii uu ninka la yiraahdo Tars Tarkas kaa soo helay,
Ukumihii yiilay, waa Ukumo runtii aan anagu ka farcano, micnaha anaga aad noo
jeedid asalkeenii hore Ukumo fiiqmay ayaan ka nimid, sidaa darteed Ukumaha meel
ayaa lagu wada uruuriyaa, laakiin Hooyadey si ay ii garato ayay meel ku
qarisay Ukunteydii, sidaas ayey sirteedu u qarsooneed ilaa ay ukunteydii ka
fiiqanto, laakiin markiiba dad ayaa fashiliyey sirtii Hooyadey, kadibna waxaa
loogu goodiyey inay dhiman doonto oo ay cayaartaan foosha xun isku diyaariso,
intii aan xerada la keenin ayay Hooyadey meel igu qarisay, sidaas ayaana
Hooyadey markii dambe iyana ku dhimatay, runtii arrintani waa sir, ma doonayo
in qof kale aad u sheegto waa in aad qarisaa, haddii la ogaado aniguna waan
dhimanayaa la soco”.
Sola
ayaa intaasi ii sii raacisay “Hooyadey intaysan dhiman ka hor waxay ii sheegtay
Aabbahay magaciisa, aniga keliya ayaa taas ogonaaya, cid aan u sheegayo ma
jirto, maxaa yeelay dadkeenu waa xaasidiin aan jixinjix aqoon”.
Maalintii
xigtay, waxaan soo galay qolkii weynaa oo uu kulanku ka dhacayey, Haweeneydii
guduudneed ee maxbuuska ahayd halkaas ayaa la keenay, isla markiiba
hogaamiyihii kuwii cagcagaarnaa ee aan la joogay ayaa qolkii yimid, magiciisa
waxaa lagu sheegayey Lorquas Ptomel, waxa uu bilaabay in uu la hadlo gabadhii
maxbuuska ahayd, isaga ayaa hadalka bilaabay oo weydiiyey cidda ay tahay iyo
waliba magaceeda.
Haweeneydii
ayaa ugu jawaabtay “Anigu waxaan ahay Boqorad, magaceygana waxaa la yiraahdaa
Dejah Thoris, waxaana ahay gabar uu dhalay Boqor Mors Kajak oo boqor u ah
Qoomiyad lagu magacaabo Hellium, baaritaan cilmiga sayniska la xiriirta ayaanu
sameyneynay, waxaana dooneynay in aan wax ka barano hawada iyo waliba gibisha
hawada, maxaa yeelay waxaa Qatar ku sugan nolosha dadkeena, sidaa darteed ayaan
waxaan baadigoobaynay meel hawo laga heli karo, maadaama meeraha aan ku
noolnahay hawadu ku yaraaneyso, sidaa darteed adinka ayaa na soo weeraray, ee
maxaad noo soo weerarteen?”.
Sidii
ay u hadleysay gabadhii mid ka mid ah askartii meesha joogtay ayaa dhankeeda u
soo dhaqaaqay, wajiga ayuuna ku dhiftay, dhulka ayayna ku dhacday, lugta ayuu
dhabanka ka saaray dhulka ayuuna kula riixay, waxa uuna bilaabay in uu qoslo,
runtii waan u dulqaadan waayey markii uu falkaasi sameynayay, waxaana si
halhaleel ah isugu soo daayey xeradii anigoo waran wata, dagaal ayaa na dhex
maray kii lugta gabadha dusha ka saaray, wax aan wada halgannaba, dhulka ayaan
dhigay oo waa uu dhintay, waxaana ka faa’iideystay aniga oo ka yara fududaa,
maadaama meeraha dushiisa aniga cuf- isjiidadkeygu yaraa, Gabadhii ayaana gacanta
ka qabtay oo dhulka ka toosiyey, intii aan wax kale sameynin, waxay mar qura
afka ku kala qaaday “Kuma ayaa tahay adigu?, maxaad naftaada qatartaan u
gelisay si aad aniga ii caawiso, runtii waxaad u muuqataa inta badan suuradda
dadkeyga oo kale, laakiin waxaad wadataa hubkii lagu yaqaanay dadka meerahan ku
nool ee cagcagaaran, ninyahow kumaa tahay, maxaadse dooneysaa?”.
Intaa
markii ay tiri ayay aamustay, waxaan u sheegay in magaceyga la yiraahdo John
Carter, isla markaana aan ka imid meeraha la wada yaqaan ee dhulka aan ku nool
nahay ah, sida aan halkaan ku soo gaarayna ay sheeko dheer tahay oo aan haatan
laga gaarin, waxa aan nafteyda qatarta u geliyayna ay tahay iyada darteed,
maadaama aan dhulka (Geyigeyga) markaan joogay ragga ku aqiin inay gabdhaha
xushmeeyaan ayaan waxaa haatan indhaheygu qabteen nin doonaya in uu gabar dilo,
taas oo aan u dulqaadan waayey, waxaa sidoo kale kuu sheegayaa in aan ku
daafici doono ilaa intaan awood u leeyahay, si kastaba ahaatee waxaan u sheegay
in qudheydu maxbuus ahay.
Hadalkii
oo noo socda ayaa waxaa goobtii timid Sola, waxayna tiri “John Carter maxaa
kugu dhacay meesha miyaad dooneysaa in aad ku dhimano, maad naga wadid oo na
keen aan cararnee inta aysan kuwaani na dilin”.
Saddexdeenii
ayaa halkii si halhaleel ah uga cararnay, waxaana tagnay dhismo meel ka baxsan
ku yiilay, dhowr beri oo aan halkaasi joognay Sola ayaa rashinka noo
diyarineysay, halka Woola waardiye culus naga haysay si aysan noo soo gaadin
kuwii aan ka soo baxsanay, Gabadha markaan nagu soo biirtay waxay ka
cabsaneysay maskiintii Woola ee foosha xumeyd, balse waxaan u sheegay inaysan
ka cabsan isla markaana in Woola tahay saaxiibtay oo aysan ahayn waardiye
keliya, sidoo kalana ay haatan qaadaneyso amar kasta oo aan siiyo.
Sola
waxay inoo soo jeedisay in aan baxsano, haddii kale aan sidaan nalooga hari
doonin, waxay kaloo sheegtay in qof kasta oo maxbuus ahaan halkaan loo keeno
dhimasho oo kaliya sugo, waxay ku celcelisay in fursadda keliya ee aan haysno
tahay baxsasho, laakiin waxaa muuqatay si aan u baxsano in ay qasab ahayd in
aan caawinaada Sola helno, sidoo Kale Boqradii Dejah ayaa iyana soo
jeedisay in hadalka Sola uu yahay mid sax ah haddii aanan sidaas sameyna
nolosheena Qatar geli karto.
Sola
markii aan ka codsanay inay garab na siiso waa ay naga aqbashay, balse waxay
shuruud nooga dhigtay in ay na raacdo, madaama haddii ay naga harto la dilayo,
waxaana bilownay in aan u diyaargaroowno safar dheer, dhowr xawaano waaweyn ah
oo la i siiyey intii aan halkaan joogay ayaa ii joogtay, sidaa darteed kuwii
ayaan wada kornay si aan ugu baxsano, waxaana Sola u ballanqaadnay in ay nolol
ka wanaagsan tan haatan heli doonto haddii ay nagu caawiso baxsashadeena.
Waxaan
ku soo dhacnay wado dheer oo intii xad ah aad arki karto, anigu niyadeyda kama
dhaacsaneyn inaan halkaan ka tagi doono sidii aan gabadhan boqorada ah u arkay
ee quruxda badan, subixii xigay waxaan meel kore ka arkay koox na soo daba
haysa oo na raacdeysaneysa, xawaanaadkii gaadiidka noo ahaa waa ay daaleen,
waan iska ogaa in aan ku qasbanaan doono in aan istaagno mar haddii ay
gaadiidkeenii tababar dhigay, Sola iyo Boqoradii waxaan u sheegay in midka ugu
xoogga weyn isugu tagaan, oo ay horey u sii socdaan aniguna waan ka haray si
aan uga caabiyo caddowga nagu soo dhawaaday, Woola ayaa doontay in ay ila
harto, laakiin waxaan u sheegay in ay raaco Sola iyo Boqorada si ay u
waardiyeyso, waxaase intaasi ka darneyd in Boqoradii diidayba in ay keligay iga
tagaan, waxayna ku qaylineysay “John Carter haddii ay kuwaas mar kale ku
qabtaan, natiijadaadu waxay noqoneysaa dhimasho ee naga keen meesha oo na soo
raac”.
Sola
ayaa Boqoradii gacanta qabtay oo ku amartay inay dhaqaaqdo oo ay baxaan, isla
markiina waa ay baxeen, Woola iyana way i fiirisay markii dambe iyagii ayay ka
daba carartay, anigu markaan waxaan isku diyaariyey dagaal, waxaan la soo baxay
qori aan watay, waxaana bilaabay xabado si aan isaga reebo caddowga, runtii
waxaan awood u yeeshay in aan mudo hal saac ah iska caabiyo, laakiin markii
dambe rasaastii oo iga dhamaatay, ayaa keentay in ay i hareereeyaan, mid ka mid
ah ayaa ka soo degtay Xayawaankii uu saarnaa isagoo wata bir dheer, markii uu
igu soo dhawaadayna waxaan arkay in uu ahaa TARS TARKAS, waa uu iga istaagay
waxa uuna iila hadlay si adag, waxa uuna i yiri “Jonhn Carter maanta
halkaan ayaad ku dhimaneysaa, waana inaan anagu ku dilaa, dilkaagana dhibaato
iguma hayo”.
Inkastoo
ninkani igu soo dhaqaaqay hadaladaa kulkulna i yiri, haddana anigu ma dooneyn
in aan la dagaalamo, maxaa yeelay waxaa wajigiisa iiga muuqan karay wax xoogaa
naxariis ah, waana iiga dhawaa kuwa kale, maadaama aan horey isku baranay,
balse intii aan is hor taagneen ayaa xabad masaafo dheer la soo tuuray
dhawaaqeeda maqlay, markale iyo markale xabaddii si isdaba joog ah loola soo
beegsaday kooxdii igu hareersaneed, isla markiina dagaal lama filaan ah ayaa
TARS TARKAS iyo ciidankiisii qabsaday, waxaana weerar ku soo qaaday qabiil kale
oo iyana deegaanka degan, daqiiqado kadibna dagaalkii waa uu sii kululaaday,
sidii aan u fiirsanayey labadii qolo, isla markiiba saddex ka mid ah ciidankii
TARS TARKAS ayaa la dilay, isaga qudhiisana laba ayaa isugu tagtay, mid ayuu
qudha ka jaray, balse nasiib daro waa uu sidbaday oo dhulka ku dhacay,
dhankiisa ayaan u soo cararay si aan garab u siiyo, labadii nin ayaan ka
fujiyey, dhulka ayuu kor uga soo kacay, garabka ayaan isku wada qabanay,
waxaana si wadajir ah ula dagaalanay askartii duulaanka ahayd, saacad kadib
waxaa noo suuragashay in aan iska caabino oo ay dib isaga noqdaan, intaa kadib
TARS TARKAS ayaa ila hadlay waxa uuna igu yiri “John Carter, waxaan hadda
fahmay ereyga Saaxiibtinimo waxa uu yahay, runtii nafsadeyda ayaad badbaadisay
anigoo donayey in aan adiga ku dilo, maanta wixii ka biowda waxaan kuu
sheegayaa in aadan maxbuus aheyn, balse aad ka mid tahay hogaamiyaashayada,
aadna sharaf weyn ku leedahay dadkeena dhexdooda”
Intaas
markii uu yiri waxaa wajigiisa iiga muuqatay farxad iyo waliba isagoo
dhoola-caddeynayey, mar kale ayuu bir gacantiisa ku rakibneed oo dadka darajada
ku dhex leh qaataan ii soo furay oo i siiyey, waxa uuna ii sii raaciyey hadal
isagoo yiri “John Carter runtii waanba gartay waxa gabadha boqorada ahi kuu
raacday, laakiin su’aasha aan ku weydiinayo waxay tahay, maxay Sola dadkeena
uga tagtay oo adinka idiin raacday?”.
Waxaan
u sheegay in Sola tahay qof naxariis leh oo garab na siineysa isla markaana aan
dooneyn in waxyeelo naloo gaysto, waxaan kaloo u sheegay in Sola aysan Jecleen
caadada foosha xun ee dadkoodu ku dhaqmaan ee ah in dadka Maxaabiista ah
fagaare lagu dilo iyadoo dilkooda lagu raaxeysanayo, maadaama ay garab na
siisayna haddii ay naga harto in aad dileysaan ayaan is tusinay sidaa dareed
ayay noo soo raacday, waxaan sidoo kale u sii daba dhigay in cayaartaan caadada
ah ee foosha xun ay horey ugu dhimatay Hooyadeed.
Markaan
halkaa hadalka marsiinayey ayuu iga dhex galay oo su’aal i weydiiyey isagoo leh
“Maxaa, sideese iyadu ku ogaatay Hooyadeed in sidaas ku dhimatay?.
Si aan
su’aashiisa uga jawaabo waxaan bilaabay in aan uga sheekeeyo wixii ay Sola iiga
sheekeysay, waxaana ku iri “TARS TARKAS, waxay Sola ii sheegtay in Hooyadeed
Cayaartaan lagu dilay, iyadoo sabab looga dhigay Ukuntii ay ka fiiqantay Sola
oo ay meel ku qarisay, waxay kaloo Sola ii sheegtay in Hooyadeed intii aan la
dilin ka hor iyada ku dhex dartay Carruur kale, Sola waxay kaloo ii caddeysay
in Hooyadeed ay ahayd qof naxariis leh ayna ka duwaneed Qabaa’ilka aad ka
dhalateen intiisa kale”.
TARS
TARKAS, caro ayaa wajigiisa ka soo muuqatay markii aan la hadlayey, laakiin
markii dambe waxaan arkayey in caradu ka soo baaba’aysay, waxaana indhiisa ku
soo istaagtay ilin xanuun leh, markii aan intaas oo calaamadood ku
arkayna waxaan weydiiyey in uu isagu aqoon u lahaa Hooyada gabadhan Sola
dhashay.
“Haa waan aqaanaa, haddii aan awood
lahaan-lahaana waan difaaci lahaa iyada, waana ogohay sheekada Sola kuu
sheegtay in ay run tahay, waxaana la socday in Haweeneyda cayaarta hadda ka hor
lagu dilay ay canug lahayd, laakiin canuga ma aanan aqoon, laakiin hadda waan
ogaaday oo adigaa ii sheegay, laakiin waxaan kuu sheegayaa in Sola ay
gabadheyda tahay, balse aan horey u garaneynin” ayuu yiri TARS TARKAS.
Intaa
kadib waan soo dhaqaajiyey, saddex maalmood ayaa ku soo soconay wadadii ay
Boqoradii, Sola iyo Woola ku soo ambabaxeen, anagoo iyaga raadineyna, maalintii
afraad ayaan bidhaantooda meel dheer ka aragnay, markii aan ku soo dhawaanay
Woola ayaa istaagtay oo u diyaar garoowday inay nala dagaalanto, sidoo kalana
Sola ayaa iyana hub sidatay oo iyana dhinac istaagtay Woola iyagoo diyaar
u wada ah inay Boqorada daafacaan, isla markaana igu tiriyey in maskaxdeyda la
soo bedelay, boqrada ayaa ku hoos jirtay Sola lugaheeda, waan yaabay, waxaan
markii hore ku wargeliyey inay isdejiyaan, sidoo kalana waxaan Sola waydiiyey
waxa Boqorada ku dhacay, waxay ii sheegtay in maalmihii la soo dhaafay oo dhan
Ooyneysay, maxaa yeelay waxaan aaminay in lagu dilay, sidaa darteed in aad
nooshay maba aaminsana gabadhan Boqorada ah, ee kaalay u imoow oo u sheeg in
aadan weli dhiman oo aad nooshahay, waxaa laga yaabaa in ay Ooyinta joojisee.
Waxaan
soo aaday meeshii ay Boqoradu taalay, markii aan kor imid ayay sare ii fiirisay
iyadoo indhaheedu guduud noqdeen sidii ay u ilmeeyneysay, boqoradii ayaan
aamusiyey oo u sheegay in dadkaani aysan dooneyn in ay na dilaan, balse haatan
ay diyaar u yihiin in ay garab na siiyaan, sidoo kale Sola ayaa u sheegay in ay
Aabbaheed maanta heshay, oo TARS TARKAS yahay, waxaana u sheegay in sirteeda la
qariyaa aysan micno yeelaneen, haddana lagu faa’iiday markii aan sheegay.
Sola
ayaa fiiriyey TARS TARKAS, waa ay u soo dhawaatay oo gacanta ka qabatay, isna inta
uu isn hayn waayey ayuu kor u qaaday oo dhunkaday, wixii markaa ka dambeeyey
runtii waxaa u bilowday waa-cusub.
Dhanka
kale Aniga iyo Boqoradii sheeko ayaa na dhex martay dheer, iyada ayaa warka igu
bilowday waxayna tiri “John Carter, runtii waaxaan qirayaa in Geyigii (dhulkii)
aan ka imid aan ku arag qof adigoo kale ah, laakiin Su’aasha Isweydiinta mudan
waxay tahay, in adigoo kale laga heli karo dhamaan Meerayaasha Dunida
(dhulalka)?, waxaan ku jawaabi in aan la heleen adigoo kale, maxaa yeelay,
anigoo keligay ah, oo bartanka kaga jira dhibaato ayaa garab i siisay, waxaadna
weli iila diyaar tahay in garabkeyga aad is taagto, waxaa intaa ka sii daran,
meeshaan adigu markii aad timid waxaad noqotay maxbuus laakiin mudo yar
gudaheeda ayaad ku xiratay darajada ay dadkaani xirtaan ee lagu qiimeeyo, isla
markaana laguu magacaabay Hogaamiye, taasna hadda ka hor lama arag qof
sameeyey”.
Intaa
markii ay ku hadaaqday, ayaan aniguna ugu jawaabay “Waxaad tahay Boqorad qurax
badan oo aanan weligay arag, iyadoo kale, waxa aan u qabtayna ay yihiin wax
iska basiid ah, mana ku tilmaami karo wax sidaasi la yaab looga muujiyo, ama
mahad intaa la eg laga dhiibo, laakiin qofkii adiga ku hela ayaa nasiib leh, ee
ma iga aqbaleysaa in aan ku guursado”.
Waa ay
dhoola-caddeysay mudo daqiiqado ah, kadibna indhaheeda madmadow ayay igu soo
ifisay (igu soo eegtay), waxayna iigu jawaabtay “Runtii wax dhiiragelin ah uma
baahnid, maxaa yeelay waxaan u maleynayaa in aad horeyba ula socotay in
jawaabta aan ku siin doono at tahay haa oo keliya”, wixii markaa ka dambeeyeyna
waxay nafsadeeda ii ballanqaaday in ay I guursaneyso.
Maalmo
kadib, waan ka tagnay kuwii aan la joognay, inkastoo Tars Tarkas iyo qayb
ciidmadiisa ka tirsan horey noo raaceen, waxaana u baqoolnay deegaankii
ay Boqorraddu ka soo jeeday, iyo qabaa’ilkeedii loo yaqiinay Helium, markii ugu
horeysay oo aan halkaasi gaarno waxay dadkaasi noo maleenayeen in aan nahay
caddow soo weeraray, laakiin markii dambe waxay arkeen Boqorraddooda, waxaana
mar qura wajigooda ka soo bidhaamay farxad xoog leh, Tars Tarkas iyo
ciidamadiisii oo na la socday iyana si weyn ayaa loo soo dhaweeyey, waxaa
runtii labada dhinac ka dhex dhashay is dhexgal iyo waliba in ay xulufo
sameystaan.
uuna
markii dambe gaaray heer ay illini ka soo daadato indhiisa oo uu hadli
kari waayo.
Mudo ku
siman 9-sano ayaan la joogay Boqorradda iyo dadkeeda, waxaana u shaqeynayey
Dowladdooda, waxaana la igu daray Qosyka reer Boqor, isla markaana waxaan ka
tirsanaa Ciidamadooda Milatariga, runtii nafteydu way ku qanacsaneyd, oo
waxayba iila muuqataa in waqtigii ugu fiicnaa oo weligay i soo mara aan
halkaasi ka helay, waxayna Boqorraddii Dejah Thoris markii dambe ii dhashay
canug.
Maalin
maalmaha ka mid ah, ayaa askari ka mid ah ciidamada oo ka yimid safar dheer, si
deg deg ah u soo gaaray meel lagu kulansanaa, waxaana askarigii qaabilay Duqii
Tardos Mors ahaa ee Awoowga u ahaa Boqorradda, waxa uuna Askarigii u sheegay
duqa in qof kasta oo ku nool meeraha aan joognay uu haysto saddex beri oo keli
ah, wixii intaa ka dambeeyana aan rajo laga qabin in qof sii noolaato, waxa
uuna ninku sheegay in taasi ugu wacan tahay in Matooradii waaweynaa ee loogu
talagalay inay Hawada soo qabtaan gebi ahaanba istaageen, waxa uuna intaa ku
daray in ciladdani meesha ay ka timid la garaneyn, isla markaana la aqoonin wax
la sameyn karo.
Hawadii
waxay bilowaday in ay sii yaraato maalinba maalinta ka dambeysa, dad badan ayaa
markii ay garan waayeen wax ay qabtaan, waxay bilaabeen in ay iska seexdaan,
anigu waxaan fiirinayey Boqorraddii xaaskeyga ahayd oo korkeyga jiifta oo si
tartartiib ah tamarteedii u sii yaraaneyso, oo dhimasho ku sii socota, markii
aan u adkeysan waayey xaaladda taagan ayaan go’aansaday in aan wax sameeyo, si
aan badbaado ugu helo Xaaskeyga, Diyaarad ayaan qaatay, waxaan sidii ugu
dhaqsiyaha badaneed ugu duulay dhankii Dhismihii ay yaaleen Matoorada
loogu talagalay in ay badiyaan Hawada, waxaan halkaasi ugu tagay shaqaale
doonaya in ay galaan meesha, garab ayaan siiyey, waxaan wada galnay Hoolkii
weynaa ee uu qalabku yaalay, markii aan meeshii galnay, waxaan dareemay daciifnimo
jirkeyga ku timaaday, mana garaneyn meesha ay wax iiga yimaadeen, mid ka mid ah
shaqaalihii ayaan weydiiyey in uu kiciyo Matoorka, intaa markii aan ku
wargeliyey ayaa mar qura dhulka ku dhacay inta aan is cilin waayey, indhaheyga
ayaana daboolmay oo hurdo ayaa igu soo deg degtay, goor dambe ayaan indhaha ku
kala qaaday jawi mugdi ah, dharkeyga ayaan fiiriyey waxa uu lahaa dheg-dheg,
isla markaana waxa uu u muuqday mid laga cabsado, waan istaagay, meel dheer
ayaan nal iftiimaya ka arkay, mugdiga si aan uga baxo ayaan u dhaqaaqay dhankii
iftiinka, dhulkii ayaa iigu muuqday mid igu cusub oo la yaab leh, kor ayaan
cirka u fiiriyey waxaan arkay Meerihii guduudnaa ee aan joogay, waxaan gartay
in mar kale dib ugu soo laabtay dhulka gaar ahaan deegaankii Arizona oo aan
markii hore joogay, runtii ooyin qiiro leh ayaa mar qura indhaheyga ku soo
istaagtay.
Ninkii
Shaqaalaha ahaa ma ku guuleystay matoorkii?, Dadkii meeraha ku noolaa hawo ma
heleen si ay u badbaadaan?, Miyey Boqorraddeydii Dejah Thoris weli nooshahay ama
ay dhimatay?, dhamaan su’aalahaas ayaa ilaa iyo haatan maskaxdeyda ka dhex
guuxaya, waxaana toban sano ilaa iyo hadda mar kasta kor u eegaa cirka aniga oo
ka raadinaya Jawaabta su’aalaha iga dhex burqanaya, waxay niyadeydu ii sheegtay
in ay Xaaskeygii iyo Canugeygii i sugayaan oo ay doonayaan in ay wax ii
sheegaan, balse ma arag fariin ka socota iyo waliba wax hadal haya, mana is
lihi dib ayaad u heli doontaa.
Dhamaad
0 Comments