Socialize

Sidii aan noloshayda ugu khamaaray Qaybta 1aad

 


Waxaan joogaa Starbucks, ku yaala bartamaha magaalada Las Vegas, waxcaan  hor fadhiyaa kumbuyuutarkayga anigoo qoraalkan faraha kula jira sabab aanan garanayn. Waxay ila tahay haddii aan dhinto, ugu yaraan qof baa ogaan doona wixii igu dhacay. Waxaa laga yaabaa inaad u malaynayso inaan naftayda u baqayo, laakiin taas waad qalday. Runtii, waxaan qaadanayaa waqtigii ugu madadaalada badnaa ee noloshayda—    tani waa ciyaartii ugu xiisaha badneed ee aan weligay ciyaaro.

Haddaan hadalka soo koobo, aan kuu sharraxo sababta aan naftayda uga kireystay Hitman (Dilaa la kireesto).

Wax walba waxay bilaabmeen qiyaastii afar toddobaad ka hor. Waxaan fadhiyay xafiiskayga, caajis xad dhaaf ah ayaa i hayay, anigoo si miyir la’aan ah u eegaya shaashadda kumbuyuutarkayga, xisaabinaya walxaha cad ee ku jira shaashaddaas nacasnimada ah.

Intii aan meel cidlo ah fiirinayay, anigoo ku raaxaysanaya aamusnaanta iyo xasilloonida dunidayda yar, waxaan isku iri, "Sideen sidaan ku noqday? Nolosheydu waxay iskugu soo ururtay inaan 8 saacadood maalintii ku dhex jiro qolkan yar, cuno iyo hurdo."

Xaqiiqdii maanan ku riyoon anigoo yar inaan noloshayda inta ka hartay ku qaadan doono buuxinta faylasha shirkad aan wax xiiso ah lahayn, Dabcan, lacag wanaagsan ayaan sameeyaa, laakiin xitaa inaan bini’aadam ahay ma dareemayo. Waxay ila tahay sidii inaan si otomaatig ah u noolahay, wax dareen ahna ma leh. Ma lihi carruur, ma lihi gabar aan xiriir la leeyahay, qoyska aan leeyahayna wax xiriir ah ilama lahan. Waxaan ahay qof gebi ahaanba kaligiis ah.

Waxaan u baahanahay wax xiiso leh, noloshayda waa inay mar kale qosol yeelataa. Runtii, wax kastaa way ka fiican yihiin waxa aan hadda samaynayo.

Intii aan nolosheyda liidata ka fikirayay, waxaa fikirkeygii iga saaray madaxa xafiiska oo aan la dhacsanayn, isagoo i weydiinaya haddii aan dhameeyay faylashii toddobaadkan. Weli ma dhammayn, laakiin waan been sheegay oo waxaan iri haa.

Isagoo si kibir leh ila hadlaya ayuu igu yiri, "Soo dhig miiskayga subaxda dambe." Haa haa, waan kuu keenayaa”.

Waxaan dhammeeyay foomkii aan hayay, dabadeedna waxaan damiyay kumbuyuutarkayga. Waxay ahayd 5 galabnimo, taasoo calaamad u ahayd dhammaadka maalin kale oo aan macne lahayn.

Markii aan guriga imid, waxaan bilaabay inaan ka fikiro sida aan noloshayda uga dhigi karo mid xiiso leh. Waxaan soo qiimeeyay fikradihii caadiga ahaa—fasax qaadasho, u guurista magaalo cusub, xitaa gadashada gaari cusub—laakiin dhammaantood waxay ii muuqdeen kuwo aan filashadayda buuxin karin.

Waxaan u baahnaa wax runtii waali ah, wax si dhab ah nolosheyda hore u burburiya oo nolol cusub bilaabi kara. Sidaa darteed, waxaan lasoo baxay kombuyuutarkayga oo waxaan dhex mushaaxay deep web-ka, anigoo fiirinaya dhammaan ganacsiyada sharci darrada ah ee halkaas laga helo.

Kadib, waxaan arkay xayeysiin oranaysa: "Dhibaatadaada xal ma u raadineysaa? Kireyso mid ka mid ah 'cleaners'-kayaga si ay kuu caawiyaan, ka hel Cthulhu's Resume."

Halkaas ayay xiisahaygu cirka isku shareertay. Markaan website-kooda booqday, waxaan ogaaday in uu yahay goob lagu kireeyo dilaayo (Hitman). Kadib, fikir waali ah ayaa maskaxdayda kusoo dhacay: Maxaa dhacaya haddii aan hitman ku kireeyo naftayda?

Waxay noqon lahayd ciyaarta ugu weyn ee jiir iyo mukulaal ah—cawaaqibkuna wuxuu noqon lahaa dhimasho haddii la i helo.

Waxaan rabay inaan ogaado shuruudahooda iyo sida ay uga go’an tahay inay bartilmaameedkooda ay ka takhalusaan, sidaa darteed waxaan u diray email anigoo u sheegay inay jirto "dhibaato" aan rabo inaan iska tirtiro.

Muddo saddex saacadood gudahood ah, waxay ii soo celiyeen jawaab ay ku faahfaahinayaan nidaamkooda ganacsi iyo qiimaha adeeggoodu ku kacayo.

Ma aanan u jawaabin isla markiiba; waxaan rabay waqti aan si taxaddar leh ugu fikiro waxa aan isku daba ridayo.

Laakiin intii aan sii fikirayay, dareen xamaasad leh ayaa igu kordhayay. Tani waxay ahayd ciyaarta abid ugu dambeysay—waayo-aragnimo dhab ah oo ciyaar nololeed ah!

Waxaan heli doonaa qof habeen iyo maalin i ugaarsanaya, aniguna waxaan waqti kasta ku bixin doonaa inaan isagaba ugaarsado.

Qofka ugu horreeya ee kan kale helo wuu guuleysanayaa, halka kan la helo uu dhimanayo.

Waxaa ii muuqday qorshe dhammaystiran.

Maalintii xigtay, waxaan aaday shaqada, anigoo og in ay noqon doonto maalintii iigu dambaysay halkaas. Waxaan madaxa xafiiska u sheegay inaan shaqada iskaga tagay oo aan u baahnayn. Markaas kadib, waxaan bilaabay qorshihii aan u diyaargaroobayay.

Waxaan aaday dukaanka hubka ee magaalada, waxaanan iibsaday qalab cusub: Baaskoolad 9mm Glock, qori PS-90, iyo qoriga Barret 50 cal. Oo sniper.

Intaa kaliya kuma ekaan; waxaan sidoo kale booqday dukaanka yar ee qalabka basaasnimada lagu iibiyo. Waxaan ka soo gatay alaabo dhowr ah oo leh kamarado qarsoon, si aan u daawan karo wax kasta anigoo isticmaalaya telefoonkeyga, qalab lagu ogaado basaasiinta, iyo cod beddele.

Intaa kadib, waxaan $30,000 ka saaray akoonkayga keydka, waxaanan u beddelay Bitcoin.

Kadib markaan dhammaan diyaariyay, waxaan la xiriiray ninkii email-ka iigu soo diray markii hore, waxaanan siiyay dhammaan xogtayda. Waxaan u sheegay in bartilmaameedkani aad u adkaan doono in la helo, maadaama uu aad u safro, uuna noqon karo mid hubeysan.

Laakiin taas kuma ekaan—waxaan u sheegay in aanan rabin mid ka mid ah dilayaashooda caadiga ah, ee aan rabo kan ugu fiican ee ay hayaan.

Dhowr daqiiqo kadib, waxaan helay email ay ku qoran tahay in mid ka mid ah kuwa ugu wanaagsan la ii soo diri doono, laakiin ay lacag badan ku kacayso. Waxay ii sheegeen in marka lacagta la diro, shaqada si rasmi ah loo billaabi doono.

Lakiin hal sadar oo email-kaas ku qornaa ayaa igu baraarujiyay in arrintu aad u degdegi doonto:

"Digniin degdeg ah: Marka lacagta la diro oo la xaqiijiyo, dib looma laaban karo. Shaqadu waa la fulinayaa, mana jirto cid joojin karta."

Laakiin waxa ayan ogeyn ayaa ah in bartilmaameedku uu aniga yahay.

Way fiicantahay.

Waxaan diray lacagtii, isla markiiba waxaanan helay email xaqiijin ah in la helay—dilaagana maalinta xigta loo diri doono, goobta uu bartilmaameedku joogo.

Laakiin waxa ayan ogeyn ayaa ah in bartilmaameedku uu aniga yahay.

Hadda ayay madadaalada dhabta ahi bilaaban kartaa.

Sidaas ayay wax walba ku bilaabeen, inkasta opo ay tahay xaalad geeri ama nolol ah hadana aniga waxay ila tahay ciyaar xiiso leh oo bedeli karta noloshayda.

Waxaan Starbucks-kan joogay qiyaastii laba saacadood hadda, laakiin waa inaan dhaqaaqaa, maadaama aanan hal meel ku nagaadi karin muddo dheer.

Post a Comment

0 Comments