Socialize

Rai'sul wasaarihii Lubnaan oo iscasilay sheegayna in uu naftiisa u baqayo



Rai'sul wasaarihii dalka Lubnaan Sacad al-Xariri ayaa ku dhawaaqay in uu iscaslay taasi oo noqotay tillaabo lama filaan ah.
Mr Xariiri ayaa sheegay in uu u baqayo naftiisa islamarkana ay taasi tahay sababta uu xilka uga dagay.
Shir jaraaid oo uu ku qabtay caasimadda Sacuudiga ee Riyaadh , ayuu Mr Xariri waxa uu si kulul u canbaareeyay ururka Xisbullah iyo Iiraan.
Waxa uu sheegay in meel kasta oo ay Iiraan soo gasho ay cabsi iyo burbur la soo daristo.
Sacad al-Xariri ayaa sheegay in xaaladda ay maanta Lubnaan marayso ay la mid tahay tii dalkaasi ka jirtay markii la dilayay aabihii Rafiq sanaddii 2005.
Mr Xariri ayaa qabtay xilka raisul wasaaranimada bishii December ee aanu soo dhaafnay.
Mr Xariira ayaa Sacuudiga booqday dhowr jeer maalmihii la soo dhaafay .
Sacuudiga ayaa waxa ay si wayn isaga soo horjeedaan dowlada Iiraan oo taageerta kooxda Shiicada ee Xisbullah.

Post a Comment

0 Comments